Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda UK Oo Sharraxday Dhaqaalaha Ay Ku Taageerayso Wejiga Labaad Ee SDF2 Iyo Siday Uga Go’an Tahay Inay Saacido Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa ka hadashay Lacag dhan £31 Milyan oo Gini oo ay la saxeexatay Xukuumadaha Somaliland iyo Netherlands oo loogu talogalay in lagu fuliyo wejiga labaad ee sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2, kuwaasi oo wax lagaga qabanayo horumarinta adeegyada bulshadda.

s300_FATS222_-_Copy.jpg

Siday soo warisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, madaxa Hay’adda DFID Damon Bristow ayaa shabakadda xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK u sheegay inay 25 milyan oo Ginni ay Ingiriisku kaga qayb qaadanayaan wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF2, waxaanu tilmaamay in lacagtaasi loogu talogalay mashaariic la hirgelinayo inta u dhexaysa sannadaha 2018 ilaa 2022ka.

Madaxa Hay’adda DFID wuxuu sheegay in dhaqaalaha lagu fulinayo mashaariicdaas ay ugu deeqeen Somaliland, si wax loogaga qabto dhinacyada Waddooyinka, Biyaha iyo Beeraha.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in ay ku jiraan mashaariic lagu xoojinayo hay’adaha dawliga ah ee Somaliland. Waxa kaloo sarkaalkaasi xaqiijiyey in mashruucii hore ee Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo socday 2013kii ilaa 2018 uu guulaystay. Iyadoo Mashaariicdan cusub ee ay la saxeexdeen dawladda Somalilandna ay waafaqsan yihiin qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka.

Damon wuxuu xaqiijiyey in UK ay ka go’an tahay inay taageeraan bulshada Somaliland, isla markaana ay la socdaan dedaaladda iyo taabogalka ay noqdeen laamaha dawladdu, si ay adeegyada daruuriga ah u gaadhsiiyaan dadweynaha.

Waxa kaloo uu sheegay in wejiga labaad ee sanduuqa Horumarinta Somaliland ay ka faa’iidi doonaan dadweynaha Somaliland oo dhammi isla markaana ay ka heli doonaan adeegyo horumarsan, isagoo intaas raaciyey in sanduuqa SDF2 uu saacidi doono koboca dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this