Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamuud Xaashi Oo Bilaabay Olole Xooggan Oo Ku Doonayo Guddoomiyenimada KULMIYE+ Madaxweyne Biixi Iyo Wasiir Maxamed Kaahin Oo Shir Ka Yeeshay Qorshihii Ay Kaga Hortageen Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu bilaabay olole uu ku raadinayo guddoomiyenimada xisbi xaakimka KULMIYE.

KULMIYE.jpeg

Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu ku hawlanaa qorsheyaal uu ku doonayo in ku ruxo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si ugu wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi la wareegay tallada dalka waxa uu olole u galay sidii uu hanan lahaa xilka guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE oo hayo Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu kulamo kala duwan oo gooni gooni ah la qaatay qaybaha kala duwan bulshada reer Somaliland.

Warar hoose oo aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi uu maalmihii u dambeeyay uu xoojiyay ololaha uu ugu jiro hanashada kursiga guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, isaga oo toos u bilaabay in uu kulamo la qaato qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland.

Siyaasiyiin taabacsan wasiir Maxamuud Xaashi oo qaarkood ay ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa marar kala duwan oo ay warbaahinta la hadleen waxa ay Madaxweyne Muuse Biixi ka codsadeen in guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE uu ku wareejiyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa ka war helay qorsha uu ku hawlan yahay wasiirkii hore Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi waxaana arrintaasi ay ku abuurtay dareen cadho leh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan ay arrinta kaga arrinsanayo waxa uu la yeeshay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ah guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbi xaakimka Axmed Cabdi Dheere, waxaana kulankaa lagu go’aamiyay inay sameeyaan wax kaste oo ay kaga hor-tagayaan ololaha Maxamuud Xaashi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa guddoomiyaha labaad ee xisbiga KULMIYE siyaasi Axmed Cabdi Dheere oo ka mid ah dadka ay aad isku dhaw yihiin waxa uu ku amray in uu warbaahinta la hadlo kana hadlo arrinta guddoomiyenimada KULMIYE isaga oo si dadban ugu quus-goynaya  Maxamuud Xaashi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this