Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Waraabe oo si weyn uga soo horyimid qorshaha dowlada Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlaya wada-hadalada mudada badan hakadka ku jira ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Faysal Cali ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleyn in ay ka qeyb qaataan wada-hadaladaasi dalal ay ka mid tahay dowlada Jabuuti, oo ku tilmaamay kuwo dano gaar ah ka leh wada-hadaladaasi.

Faysal ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladahaasi ay ku milmeen dowlada federaalka Soomaaliya, isagoona shiki galiyay dhex-dhexaadintooda ku aadan wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Soomaaliya iyo Somaliland wada-hadaladeeda waxaanu ka sameynay go’aamo is-afgarad, waxayna odhanayaan go’aamadaasi ‘wada-hadalka waanu ogolnahay, hase ahaate waxaanu dooneyna madal caalami ah oo dad noo kala qabta”.

“Waxaynu ka joojinay oo aan soo galeyn wada-hadaladaas wadamada bariga Afrika, Jabuuti waxanu nidhi ku marti-gelin mayno, Itoobiya waxaynu nidhi ku marti-gelin mayno kama soo qeyb-galeysid, Eratareya kama soo qeyb-galeysid, maadama dano gaar ah ay leeyihiin, iyaguna Xamar bey ku milmeen, markaa maynu sugeyna dhex-dhexaadnimo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waanu ogolnahay in aanu Soomaali la jaalno, laakiin kuwa hada jooga la hadli mayno, waa nagu ceeb in aynu la hadalno dad aan cidna matalin oo cidna soo dooran, oo weliba isku keen sawiraan xaaraan bey ka tahay”.

“Soomaaliya wax la yiraahdo ma jirto, dowladd ka jirta Soomaaliya iyadna majirto, waxa weeyi si loola dagaalamo dhalinyartaas ayaa la ictiraafay, si kheyraadka dagaalka ka socda kharashka ku baxaya sidii looga guran lahaa Badda, ayaa loo ictiraafo laga saxeexay”.

Hadalkan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo aadaya xili ay dowlada Jabuuti mudooyinkii u dambeysay ay dadaalo badan galineysay sidii ay wada-hadaladaasi uga ciyaari laheyd door muhiim ah, iyada oo labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland socdaalo kala duwan ku tageen caasimada dalkaasi Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this