Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo markii ugu horreysay war kasoo saartay odayaasha Al-Shabaab u tegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadashay odayaashii soo xulay ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay u hoggaansamay amar kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab uguna tagay goobaha ay ka maamulaan dalka.

War-saxaafadeed caawa kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay caddaynaysaa odayaasha ay soo bandhigayeen kooxda Alshabaab intooda badan in aysan aheyn odayaal rasmi ah, ayna yihiin kuwa ay been abuureen una galiyeen koofiyado iyo cimmaamado, isla markaasna ay qasab uga hadal siiyeen”.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale digniin loogu diray dadka u hoggaansama amarada kasoo baxa Al-Shabaab, “Dowladdu, waxay uga digaysaa qofkasta oo u hoggaansama hanjabaadaha iyo marin-habaabinta kooxda Alshabaab, waxeyna xasuusinaysaa shacabka Soomaliyeed in aan bad-qab lagu helayn u nuglaanshaha hanjabadaha kooxdaas argagixisada ah”.

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka kasoo baxay ku sheegtay in la wiiqay awooda Al-Shabaab, “Waxaana xusid mudan, in kooxda si xoogleh loo wiiqay awoodooda taas oo ay cadayn utahay in ay maalmihii danbe aad u korortay tirada ka soogoosanaysa isla markaana laga saaray goobihii ay ku xooganayeen,waxaana si dar dar leh isku soo dhiibayay saraakiisha iyo horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraaka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay cadaadis daran oo ay sheegtay in Al-Shabaab ay ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay dalka ka maamulaan, “Dowladda canbaareynaysaa bahdilka, jajuubka iyo xad-gudubka ay kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab ku hayaan dadka Soomaaliyeed,ee ku nool tuulooyinka fog gog iyo meelaha yar yar ay ka taliyaan oo ay beryahaan soo bandigayeen iyagoo jirdilaya oo ku qasbaya in ay hadlaan,taasoo ah dhaqan maafiyo, gef-waynna ku ah Diinta iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed”.

War-saxaafadeedka caawa kasoo baxay xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay sidaan: “Uga danbeyn, dowladda Soomaaliya waxay tillaabo sharci ah ka qaadeysaa cid-kasta oo xiriir dhex maro kooxaha argagixisada ee caadaysatay dhibaataynta shacabka”.

WARSAXAAFADEED-111111-1.jpg

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this