galbeedi

This man , Xiddig really understand how the federal system should be working.

Recommended Posts

cadnaan1   

Xidig waa moorayaan oo family reer banadiri ayuu guri xoog kaga heystaa oo wuxuu dalbaday 30 kun dollar inuu kaga baxayo guriga.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Xidig wuxuu ka mid yahay xildhibaanada xasaradaha ama dhibka abuura. 

Waxaan xasuustaa dawladii xasan shekh markuu kor u hadlo caawa, habeen dambe hoos buu u hadli jiray ilaa uu markii dambe meel subag yaalo maqsankeedii u dhiibay.

Ma qabo nin maalmo hogaamin kara jubaland inuu yahay  horay baan u sheegay waa nin wajiyo badan.

Tan guriga

Inkastoo xogta hal dhinac kaliya aan maqalnay hadana waxaa igu cusub see labo carab isigu xoog sheegteen muqdisho?

Share this post


Link to post
Share on other sites
8 minutes ago, gooni said:

 

Inkastoo xogta hal dhinac kaliya aan maqalnay hadana waxaa igu cusub see labo carab isigu xoog sheegteen muqdisho?

UAE warplanes bomb Saudi-backed troops in southern Yemen after new advance

By News Desk  2019-08-29

The UAE air force reportedly killed and wounded several members of the Islah forces during their aerial attack over the Aden District on Thursday.

 

Tensions between the Saudi and UAE-backed forces are running high after the Islah Party captured Aden from the Southern Movement on Wednesday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is a musharax guddoomiye baarlamaan now. He was one of the many Tigrey jaajuusooyin u ahaa oo dowladda Soomaaliya ku jiray.

Musharaxii ugu horreeyey ee beesha **** ah oo isku soo taagay gudoomiyaha BF

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomalaiya. 

Cabdirashiid Xidig ayaa qoraal uu ku daabacy bartiisa facebook ku yiri “Mudaneyaal iyo marwooyin anigoo ah xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig waxaan idinla socod siinayaa inaan u sharaxnahay xilka gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya 2022/2026.”

Waxa uu intaas ku daray “Mudaneyaal iyo marwooyin baarlamanka federaalka waxaa horyaalla waajibaad dastuuriya oo lagama maarmaan u ah dowlad dhisida dalkeena, sidaas darteed anigoo fahamsan waajibaadkaas aqoon iyo waayo aragnimo dheera u leh hogaaminta baarlamaanka iyo gudashada waajibaadkiisa, waxaan go’aansaday inaan isusoo sharaxo qabashada xilka gudoomiyaha golaha baarlamaanka federalka ee Soomaaliya.”

Xidig ayaa ka codsaday xildhibaanada federaalka inay taageeraan codkoodana siiyaan, wuxuuna intaas ku daray inuu maalmaha soo socda soo bandhigi doono faah-faahinta qorshihiisa siyaasadeed. 

Xidig ayaa sidoo kale xilkan isku sharaxay doorashadii guddoomiyaha baarlamankii 10-aad ee dhowaan muddo xileedkiisu dhammaaday, balse aan ku guuleysan.

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha ****, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha **** ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. 

Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha **** ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, inkasta oo aysan caddeyn heerka ay gaarsiisan tahay taageerada uu haysto.

Dhowaan waxaa jiray dadaal ay wadeen beelaha ****, ****, oo ay waxa kaga bedelayaan habka awood qeybsiga, waxaana musharaxnimada Xidig ay siineysaa fursad ay taas ku xaqiijiyaan haddii ay codkooda ku taageeraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Xiddig: Xilka aan u tartamayo ee guddoomiyaha barlamaanku, waa xilka ugu sarreysa dalka

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa markii labaad iskusoo sharraxay xilka guddoomiyaha golaha shacabka, isagoo u arka fursad uu kusoo bixi karo.

Xildhibaan Xidddig ayaa sheegay in jagada guddoomiyaha barlamaanku ay tahay jagada ugu sarreysa daka. Wuxuuna sheegay sababta uu isugusoo sharraxay inay tahay inuu ummadda tuso inaanu jirin kursi reer kaliya loo asteeyay.

“Waxaan rabnaa inaan dadka barno guddoomiyaha barlamaanku inuu yahay xubinta ugu sarreysa dalka ama xubinta labaad. Waxaa laga hadlayaa Prime minister. Soo ma ahan midkii todobada daqiiqo lagu ceyriyay,” ayuu yiri xildhibaan Xiddig.

Xiddig waxa uu sheegay inuu kalsooni ballaaran ka haysto beesha uu kasoo jeedo. Wuxuu kaloo beeniyay in is sharraxaadiisa ay tahay mid siyaasadeed oo loo adeegsanayo in lagu dhabar jebiyo siyaasiyiinta beesha uu kasoo jeeda, kuwaas oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaa loo baahan yahay horumar iyo in laga gudbo saddex dhardhaar oo lixdamaadkii la dhigay. Waayo waxaa jira beelo Soomaaliyeed oo xaq uleh inay u tartamaan jagooyinka ugu sarreeya ee dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay xildhiban Xiddig.

Xildhibaan Xiddig ayaa sannadkii 2016 u tartamay jagada guddoomiyaha barlamaanka, wuxuuna helay 97 cod, waxaana kaga guulaystay Maxamed Cismaan Jawaari. Wuxuu hadda aamisan yahay inuu haysto fursad ka fiican midii sannadkii 2016.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   
10 hours ago, maakhiri1 said:

As long as South west does not have a candidate in this, this chain can be broken

And then what?

Share this post


Link to post
Share on other sites

First this Xidig as sacrificial lamb will not work and I am not with his logic, if he is running,  he should  be running for president. 

As for South West and their aim at being president,  they have as much chances , if not better, more united,  and can definitely take top post as long sabatour like  retard Jawaari does not run for Speaker.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shurwac   

Sometimes waxad is odhanaysaa maxa Galbeedi si ka ah.

This Xidig guy doesn't care about the Federal system or any system for Somalia. Xidig is the worst kind of politician that has been bestowed upon Somalia for the past 30 years. a ******, IGU shubo, and a foreign agent stooge. 

His goal here is the same as he has tried in 2016 -  to offset/rearrange the D-Block/H block nothing more.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   
14 hours ago, maakhiri1 said:

First this Xidig as sacrificial lamb will not work and I am not with his logic, if he is running,  he should  be running for president. 

As for South West and their aim at being president,  they have as much chances , if not better, more united,  and can definitely take top post as long sabatour like  retard Jawaari does not run for Speaker.

Anyone can have a chance regardless. But my point is you said the chain can be broken so what difference will that bring?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jadwalka doorashada guddoonka labada aqal ee barlamaanka oo la shaaciyay

2022418637858573140345810.jpg

Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay jadwalka doorashada guddoonka labada aqal ee barlamaanka.

Sida uu ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka, waxaa la isku raacay in 27- ka bishaan Abril ay noqoto doorashada guddoonka golaha shacabka, halka 26 ka bishana la dooranayo guddoonka golaha aqalka sare.

Diiwaan galinta musharraxiinta ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta maalinta berri ah oo ku beegan 19 abril, waxaana sidoo kale lasoo saaray wax ka beddel lagu sameeyay qidmadaha lacaga qaadayo musharraxiinta guddoonka labada aqal.

Musharraxiinta guddoomiyayaasha labada aqal ayaa laga qaadayaa lacag dhan $20,000, halka ku xigeennada laga qaadayo $15,000.

Musharraxiinta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhankooda laga qaadayaa lacag dhan $40,000. Horey waxay u ahaan jirtay $30,000.

190 xildhibaan ayaa u codeysay wax ka beddelka lagu sameeyay qidmadaha musharraxiinta. Hal xildhibaan ayaa diiday, halka Lix xildhibaan ay ka aamuseen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.