Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Jabuuti kula kulmaya madaxweyne Geelle.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xalay gaarey magaalada D Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha oo ay safarkaan ku weheliyaan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Maanta waxaa ay la kulmayaan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa lafilayaa in labada madaxweyne iyo masuuliyiinta weheliya ay maanta ka wada hadlaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood

DAAWO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda JabuutiMadaxweynaha ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaana qaadanaysa muddo labo maalmood ah

Posted by Villa Somalia on Sunday, August 18, 2019

PUNTLANDPOST

The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta Jabuuti kula kulmaya madaxweyne Geelle. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this