Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Puntland oo markale u fariisanaysa kiiskii Caasha Ilyaas.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa u fariisanaysa wajiga 2aad ee dacwadda ka dhanka ah xukumanayaasha ku eedaysan kiiskii kufsiga iyo dilka ee marxuumad Caasha Ilyaas Aadan.

Waxaa saaka lafilayaa inay markale maxkamaddu dhegaysato eedaymaha xeer ilaalinta Puntland, isdifaacidda xumanayaasha kiiskaan iyo qareenada u doodaya kadib markii maxkamaddu Sabtidii maanta ballamisay.

Saddexda nin ee loo haysto kiiskaan ayaa horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal dil toogasho ah ugu xukumeen waxaase kiisku yeeshay weji kale kadib markii mid kamid ah xukumanayaashu qiraal sameeyey.

DAAWO

PUNTLANDPOST

The post Maxkamadda sare ee Puntland oo markale u fariisanaysa kiiskii Caasha Ilyaas. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this