Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg Deg: Dagaal xoog leh oo ka socda Bariire iyo dowladda oo ka hadashay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online)-Dagaal xoog leh ayaa caawa ka socda deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose.

Al-Shabaab ayaa goor dhaw weerar aad u xoogan waxa ay ku qaadeen deegaanka Bariire, hayeeshee ciidanka dowladda ee ku sugan deegaankaas ayaa durba guulo ka sheegtay dagaalka oo hadda wali socda.

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka dileen in ka badan 20 dagaalame, hadana ay ciidamada dowladdu ku gacan sareeyaan dagaalka.

Waxuu sheegay Taliyuhu in Shabaab-ka weerarka kusoo qaaday ay doonayeen inay gudaha u galaan deegaanka Bariire, balse ay ka dul dhaceen ciidamada dowladda duleedka deegaanka difaac uga jiray.

Waa markii labaad oo middo Todoba maalmood gudahood ah ay ay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Shabeellada Hoose ay guulo ka sheegtaan weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Wixii kasoo kordha dagaalka Bariire kala soco Caasimada Online:

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this