Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska ciidanka Puntland oo Boosaaso ku soo bandhigay Khamri iyo dad ka ganacsan jirey.

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha ammaanka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku soo bandhigay maandooriyaha Khamriga iyo dadkii ka ganacsan jirey oo ka koobnaa rag & dumar.

Taliska ciidanka booliska gobolka Bari ayaa khamridaan iyo dadkii iibinayey waxa ay horkeeneen maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Bari si ay xukun ugu riddo.

Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamed taliyaha qaybta booliska oo ka hadlayay goob fagaaro ah oo maanta Khamriga lagu burburiyay ayaa sheegay in Magalada Boosaaso iyo deegaannada kale ay weli ku harsan yihiin dad ka ganacsanaya,sidoo kalena isticmaalaya,kuwaas oo noocyo kale duwan leh.

Abuukar Nuur Jaamac guddoomiyaha maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Bari ayaa waxa uu ku dhawaaqay in Khamrida dadkii watey ay xukumo adag ku rideen lana gubey Khamrigii iyo wershedihii lagu farsamayn jirey

SAWIRRO

10-17-1.jpg?w=1000&ssl=1 2-68.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLANDPOST

The post Taliska ciidanka Puntland oo Boosaaso ku soo bandhigay Khamri iyo dad ka ganacsan jirey. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this