Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha safarka Farmaajo ee JABUUTI iyo loolan ka dhex oogan laba isbahaysi

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey ra’iisul wasaraaha dalkaas, Abdoulkader Kamil Mohamed.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa safarka Madaxweyne Farmaajo ku sheegtay in uu qaadan doono labo maalmood, lana kulmi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti qaaday.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, safarka madaxweynaha ayaa qeyb ka ah loolan siyaasadeed oo u dhaxeyaa laba isbahaysi oo kala ah dalalka Geeska Afrika oo dhinac ah iyo kuwa Bariga Afrika ee la baxay ururka East African Community.  

Ururka East African Community waxaa xubno ka ah Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda.

Farmaajo ayaa isku dayaya inuu Jabuuti kusoo biiriyo isbahaysiga ay horey u sameysteen Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaan dadaalkan qeyb ka ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Haddii Jabuuti kusoo biirto isbahaysigan, waxay afarta dal doonayaan inay kaalin xooggan ku yeeshan dhaqaalaha bartamaha Afrika, ayaga oo ka faa’iideysanaya dekedaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eritrea.

Hase yeeshee, waxa ugu muhiimsan ee hadda taagan, ayaa ah loolanka loogu jiro kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee QM, oo ay isku hayaan dalalka Kenya iyo Jabuuti, kaasi oo loo tartamayo 21-ka bishan.

Dalalka Geeska Afrika ayaa doonaya in kursigan ay hesho Jabuuti, waxaana dadaalka Farmaajo qeyb ka ah in Jabuuti lagu dhaadhiciyo inay isbahaysiga kusoo biirto, ayada oo taa beddelkeedna ay dalalkan taageeri doonaan dadaalka ay ugu jirto kursigan, si gaar ahna Itoobiya oo saameyn xooggan leh.

Soomaaliya ayaa dhinaca kale dan kale oo gaar ah ku qabta in kursigan ay hesho Jabuuti, ayada oo haddii ay Kenya hesho uga faa’iideysan karta loolanka dhinaca badda ee ka dhaxeeya, ayada oo Kenya ay isku dayeyso inay qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this