Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Khilaaf xoog leh oo ka taagan Dhuusamareeb iyo wasiirka amniga oo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online) – Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa goor dhaw safar deg deg ah ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Safarka Wasiir Islow, oo aan faahfaahin laga bixin waxa uu ka saabsanyahay, ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay gudaha magaalada Dhuusamareeb ay isku rasaaseeyeen ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Nabad Sugidda Galmudug.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Wasiirka amniga ay hoggaankii hore ee Ahlusunna si deg deg ah uga dalbadeen in uu ku soo gaaro magaalada Dhuusamareeb, waxuuna dalabka Ahlusunna ee Wasiirka uu salka ku hayaa khilaaf xoog leh oo ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada.

Dagaalkaas ayaa dhex maray ciidamada Booliiska Dhuusamareeb oo wali ka amar qaata Sheikh Shaakir iyo Macalin Maxamuud iyo ciidamo Nabad Sugid ah oo loo xil saaray sugidda amaanka goobta lagu qabanayo shirka, waxaana amarka loogu xilsaatray uu kasoo baxay wasaaradda amniga.

Ciidamada Nabad Sugidda ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa si toos ah uga amar qaata wasaaradda amniga gudaha, waana arinta la rumaysanyahay inay ka careysanyihiin hoggaanka Ahlusunna.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir uu maanta kulan isugu yeeray saraakiisha ay ka amar qaataan ciidanka Nabad Sugidda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, isla markaana uu ka dalbaday inay gacanta usoo galiyaan Askartii Nabad Sugidda ee xalay hor istaagay dagaalkana la galay ciidanka Booliiska Dhuusamareeb.

Saraakiisha ayaa la sheegay inay ku gacan sayreen dalabka Sheikh shaakir ee ahaay inay soo qabtaan Askartii ay iska caabinta kala kulmeen Booliiska Dhuusamareeb oo Sheikh Shaakir uu doonayey inay la wareegaan gacan ku heynta hoolka loo diyaariyay in la iskugu keeno Ergada ka qeyb galaysa Shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb.

Sheikh Shaakir oo ka carooday amar diidada uu kala kulmay saraakiisha Nabad Sugidda Dhuusamareeb ayaa xogta ay heshay Caasimada Online waxa ay sheegeysaa inuu ka dalbaday Wasiirka amniga in si dhaqsi ah ku soo gaaro Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this