Sign in to follow this  
Deeq A.

Dil ka dhacay Hargeysa iyo ninkii ka dambeeyey oo ay ciidamada soo qabteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay Nin xalay toorey ku dilay qof shacab ah, sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidanka booliska Somaliland.

Jeneraal Cabdiraxmaan Fooxle, Taliyaha ciidanka Booliska ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen Ninkaasi oo baxsanayey kadib markuu dilka ka geystay gudaha magaalada Hargeysa.

Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay siduu dilkaasi u dhacay iyo siday ugu suuro-gashay ciidamada qabashada gacan ku dhiiglahaasi. “Xalay waxa uu dil ka dhacay xaafada qoob dameereed, dilkaasi oo uu gaystay gacan ku dhiigle Mustafe Sheekh Maxamed Faarax oo khaarajiye loo yaqaan, waxaa uu dilay marxuum Yuusuf Cali Wayd Cadaani oo labadaba da’doodu yihiin konton jiro”.

“Waxaana lagu dilay marxuumka Toorey, waxaanu falkaasi dhacay todobadii iyo badhkii fiidnimo ee xalay. Ciidanka Boolisku waxaa uu gallay hawlgal adag si gacan ku dhiiglaha loo soo qabto isagoo isticmaalay xeelado kala duwan sida jid goyn iyo daba gal, isago wadooyinka uu marayo laga sii xidhay, waxa lagu guulaystay in la qabto sagaalkii iyo badhkii habeenimo”.

Wuxuuna intaas kusii daray Taliyuhu “Waxana lagu qabtay galbeedka magaalada Hargeysa gaar ahaan warshada masaabiirta iyo kaalinta indho birta agteedda, ciidanku muddo laba saacadood buu gacan ku dhiiglahaasi ku soo qabtay, iyagoo isticmaalaya xeelado kala duwan, waana ku hambalyeynaya ciidanka boooliska wakhtiga kooban ee ay ku qabteen gacan ku dhiiglaha”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this