Sign in to follow this  
Deeq A.

Geedi socodkii Qorsheyaasha Higsiga qaranka dhalinyarada JSL ee (2017-2021 ESSP) oo Xukuumadu ku fashilantay

Recommended Posts

Deeq A.   

Fidhin.png
Daraasad dhawaan lagu lafo guray Xaaladaha dhalinyarada JSL ayaa waxaa ka soo baxday in Somaliland dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 30 jirka lagu qiyaasay 65%. Ardeyda dhigata dhamaan dugsiyada Somaliland ayaa gaadhay 1 million oo arday oo kala dhigta dugsiyada Somaliland oo kor u dhaafay 1310 dugsi kuwaas oo isugu jira Dugsiyada Hoose oo dhan 700 dugsi,kuwa Dhexe oo gaadhaya 470 dugsi iyo kuwa Sare oo gaadhay 140 dugsi. Ardeyda dhigata 36– ka Jaamacadood ee Somaliland waxay iyana gaadhayaan Ilaaa iyo 50 kun oo ardey, waxaana sanadkii dhamaaday ee 2018 ka qalin jebiyey Jaamacadaha dalka ilaa 8 kun oo Arday kuwaas oo dhamaan ardeydaasi aanu ceelna uqodneyn cidina umaqneyn oo aan qorshe qaran loo samayn. Daraasad kale oo dhawaan iyana lagu sameeyey tiro koobka guud ee dhalinyarada reer Somaliland ee sanad kasta waxbarashada dhameysa ayaa iyana lagu xaqiijiyey in ardeyda sanadkan 2019 dugsiyada sare ka baxaday ay gaadheen 11 kun oo arday marka lagu daro ardeyda ka baxday dugsiyada gaarka loo leeyahay. halka kuwa ka baxay fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ay iyana gaadheen sandkan 21 kun oo arday marka iyana lagu daro ardayda ka baxday dugsiyada gaarka ah. Waxa Daraasadu hoosta ka xariiqday in aan dhalinyarada waxqabadkooda la dhayalsan Karin maadaama ay yihiin dhalinyarada JSL majooratiga quwada shacabweynaha reer Somaliland.

Daraasadu waxay xustay in tiradaa ardeyda qalin jebisay ee sii badanaysa sanadba sanadka ka danbeeya iyo qorshe la’aanta Xukuumada maanta jirtaa ay yihiin kaaf iyo kala dheeri waxaanay dhalinyardaa tirada badan ee sanad kasta soo baxaysaa ay u baahan yihiin qorshe qaran oo deg deg ah. Waana in Xukuumadu ka shaqeysiisaa Qorshihii higsiga dhalinyarada ee shanta sanadood lagu sar gooyey kaas oo ahaa qorshihii waxbarashada iyo waxqabadka dhalinyarada JSL ee ( 2017- 2021 ESSP )

Waxaa waxgaradku isku wada raaceen in Xukuumadihii kala danbeeyey ee Kulmiye ay ku fashilmeen qorshe yaasha waxqabadka dhalinyarada qalin jebisa, taas oo hada ay shacabka u cadaatey in Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee dhalinyarada SL ( Somaliland Youth, Sport and Cultural National Plan ) ay ku sii fashilantey Xukuumada maanta jirtaa markay ku soo koobtey oo keliya qorshihii dhalinyarada mashruuca shaqo qaran kaas si fiican loo bilaabay biloowgiisii laakiin musuq maasuq, mad-madow fara badan iyo niyad jab ku dhamaaday markii shaqooyinkii 400 ahaa ee soo baxay 100 ka mid ah daaha dabadiisa lagu qortay. Waxay arintani dhalinyaradii JSL ku riday niyad jab hor leh oo u cadeysay in aanay marna Merit iyo aqoontooda waxba ku heleyn inta ay dalka ka jiraan musuqa iyo abaal celinta malaasani.

– Waxay Xukuumadani tahli weyday in ay ka shaqeysiiso oo wax ka bedel iyo kaabis ku samayso shuruucdii lagu hagi lahaa qorsheyaasha dhalinyarada JSL (National Youth Policy) kuwaas oo loo baahnaa in ay ku saleyso waqti dhow iyo mid dheer sida 2 years ama 5 years strategies. Mar hadii ay ka gaabisay xukuumadu howlgelintii qorashaha ee labadii sanadood ee la soo dhaafay ay dhalinyaradu ku laheyd qorshahan ( National Development Plan 2017- 2021 ESSP). Maxaa maanta la gudboon Xukuumadda ? Maxaase laga filan karaa sanadka soo socda, gaar ahaan Wasaaradda u qaabilsan horumarinta dhalinyarada ?

GUNAANAD: Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay dhalinyarada si deg deg ah ugu sameyso istiraatiijiyad ku saleysan toban qodob ( 10 Point Plan ) si dhalinyarada loogu jiheeyo tubta toosan, wadaninimo, shaqo abuur iyo abaabulka ciyaaraha kala duwan oo si joogto ah loo abaabulo si ay dhalinyaradu balwada u yareeyaan oo u shaqo tagaan.

Allaa Mahad Leh-Wa Billaahi Towfiiq.
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this