Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo gadooday oo xirtay waddada gasha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa saakay xirtay waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii ay sheegeyn in aysan mushaar qaadan muddo 9 bilood ah.

Qaar ka tirsan ciidamada gadoodka sameeyay ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan mushaar qaadan sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay, islamarkaana ay go’aansadeen inay gabi ahaanba xiraan wadada ka baxda dugsiga tababarka General Kaahiye ee gasha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waddada ay saakay xirteen askar ka tirsan ciidamada Badda ayaa waxaa inta badan mara mas’uuliyiinta dowladda.

Ciidamada badda Soomaaliya ayaa tiro ahaan aad u yar, mana la siiyo muhiimad la mid ah ciidamada dhulka, taasi oo sababtay in bilooyin badan ay mushahar la’aan noqdaan ayaga oo aanay cidna ka war-hayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this