Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

"Xaram bad sheegaysa ee aakhiro baanu heshiis ku aheyn"

Recommended Posts

Cuqdadnimo heerkaan ayee mareysaa. Read on.

Ramaax oo shaaciyey in, "Somaliland lagu bahdilay kulankii dalka Sacuudiga"

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) ayaa ka hadlay kulankii ay dalka Sacuudiga ku yeeshen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan DF Soomaaliya.

Ramaax ayaa ugu horeyntii si adag u cambaareeyay kulankaasi oo ku sheegay in uusan u qalmin meeqaamka Somaliland, isla markaana gaf ku ahaa bulshada reer Somaliland.

Ramaax ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi looga baahanyahay in uu bulshada u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan kulankaasi uu la yeeshay wasiirada ka tirsan xukuumada Farmaajo.

Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Berbera, ayaa waxa uu yiri “Waxan cambaareynaynaa sawirka ay idinla galeen wafdigii madaxda jamhuuriyada Somaliland ee aad soo dhigeysan baraha bulshada”.

“Ninka leh Kenya u digaya ee Wasiirka arrimaha dibeda sheeganaya waa xaaran in uu Madaxweynahayagu isla soo sawiro, waxaana leeyahay madaxweyne waa qalad aad gashay kana raali-geli umadda reer Somaliland iyo inayna dib u dhicin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xaram bad sheegaysa ee aakhiro baanu heshiis ku aheyn, umaddani diyaar uma aha in la sawiro oo sawir beena la sawiro uma baahna, waxayna diyaar ugu aheyn nimanka halka aynu ognahay aan kala taaganahay in maanta ay idhaahdaan midnima loo oomanyahay oo waaka Madaxweynihii”.

“Ma khiyaamay nagu wadeen Sacuudi carabiya markay xajka kugu marti-qaadayen ma inad isa-salaaMtan ayey kugu wadeen. Nimankaa waxanu kala taaganahay labada Suudan ciidan baa la dhex dhigi jirey iyaga kala ilaaliya, halka aynu ku aragno dagaal baa noo dhexeeya, mid siyaasiya noo dhexeeya mid xabadeed baa noo dhexeysa, mid islaamnimo ayaa meesha oolin, sidaas daraadeed darbiga jabisay madaxweyne dhaawaceedu wuu ku haysta”.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this