Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Jubbaland oo soo bandhigtay qaraxyo ay gacanta ku dhigtay (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay waxyaabaha qarxa, kadib howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland aya warbaahinta u soo bandhigtay Miinooyin ay sheegtay in lagu aasay waddada isku xirta tuulooyinka Bangeeni iyo Koban ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakisha NISa ee maamulkaasi ayaa sheegay in la doonayey in qaraxyadaasi lagu dhibaateeyo shacabka, sida ay hadalka u dhigeen.

‘’Ciidanka ammaanka Jubbaland gaar ahaan cutubka u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa, una taagan mar walba ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayaa ka soo saaray Miinooyinkan goobo ay Al-Shabaab geliyeen oo ah inta u dhaxeysa tuuloyinka Bangeeni iyo Koban, waa aaga degmadda Jammaame ee gobolka Jubbadda Hoose.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska NISA ee Jubbaland.

Muddooyinkii dambe Jubbaland ayaa kordhisay howlgallada ay ka wado gobolka Jubbada Hoose, maadaama ay dhowaan doorasho ka dhaceysa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

11-6.jpg 22-4.jpg 33-1.jpg 44-3.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this