Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada oo ka soo horjeestay xeer Shabaab ka dhan ah oo horyaalla QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyrre.

Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya waxaana warbixino laga dhageestay xubno katirsan Golaha wasiirada Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa arrinta ugu weyn oo ay ka hadleen waxa ay tahay qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee horyaalla golaha ammaanka QM, kaas oo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay gadaal ka riixeyso dowladda Kenya.

Sharcigaan ayaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay looga codsanayaa in liiska Argigixisada lagu daro Al-Shabaab balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa arintaas walaac ka muujiyay.

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in Sharcigaan uu halis ku noqonayo dhaqaalaha iyo ammaanka Soomaaliya, islamarkaana uu saameyn doono malaayiin Soonaali ah, waxayna ugu baaqayn golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inaysan ansixin.

Al-Shabaab ayaga ayaa dhowrsano ka hor fagaare ka sheegay in ay ku biireen urur waynaha Al-qaacidda oo ku jira liiska Qaramada Midoobay ee argigixisada inkastoo UN-ka aysan wali liiskan ku darin Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this