Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabaab oo shan bil kaddib xayiraadda ka qaaday shacabka Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay 5 bil kadib xayiraadda ka qaaday shacabkii ka barakacay degaanka Bariire ee gobalka Shabeellada Hoose.

Al-Shabaab ayaa dadka dagan degaanka 5 bil ka hor markii ay qabsadeen ciidamada dowladda ku amray in ay ka barakacaan magaalada ganacsigana la joojiyo, si loo cuna qabateeyo Ciidamada Dowladda ee magaalada ka qabsaday.

Dadkii daganaa ayaa ka dhaga adeegay amarkaas balse Al-Shabaab waxay bilaabeen in ay duqeeyaan xaafado kamid ah magaalada si dadka uga barakacaan, waxaana markaas Bariire ka baxay boqolaal qoys oo halkaas daganaa.

Maalmo ka hor ayey Al-Shabaab kulan la qaateen mas’uuliyiinta degaanka waxayna u fasaxeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda islamarkaana ay bilaabaan ganacsigii iyo beerashada beeraha Bariire.

Al-Shabaab ayaa odayaasha degaanka u sheegay in ay ka joojinayaan duqeymaha dhankooda ah islamarkaana loo fasaxay in ay guryahooda ku laabtaan muddo 5 bil ah kadib.

Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab bilaawgii sanadkaan ka qabsaday degaanka Bariire, waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay haawanayay xaafadaha magaalada.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa jaray Buundada Bariire kadib markii ay qarax ku xireen taas oo saameysay isu socodka magaalada oo aad u liidato muddo 5 bil ah.

Dadka degaanka ee bilaabay in ay dib u soo laabtaan ayaa ka cabsi qaba in ciidamada Soomaaliya ay duqeyn ka fuliyaan goobaha kale oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab kadibna ay saameyso dadka degaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this