Sign in to follow this  
Deeq A.

Ramaax oo shaaciyey in ‘Somaliland lagu bahdilay kulankii dalka Sacuudiga’

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) ayaa ka hadlay kulankii ay dalka Sacuudiga ku yeeshen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan DF Soomaaliya.

Ramaax ayaa ugu horeyntii si adag u cambaareeyay kulankaasi oo ku sheegay in uusan u qalmin meeqaamka Somaliland, isla markaana gaf ku ahaa bulshada reer Somaliland.

Ramaax ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi looga baahanyahay in uu bulshada u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan kulankaasi uu la yeeshay wasiirada ka tirsan xukuumada Farmaajo.

Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Berbera, ayaa waxa uu yiri “Waxan cambaareynaynaa sawirka ay idinla galeen wafdigii madaxda jamhuuriyada Somaliland ee aad soo dhigeysan baraha bulshada”.

“Ninka leh Kenya u digaya ee Wasiirka arrimaha dibeda sheeganaya waa xaaran in uu Madaxweynahayagu isla soo sawiro, waxaana leeyahay madaxweyne waa qalad aad gashay kana raali-geli umadda reer Somaliland iyo inayna dib u dhicin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xaram bad sheegaysa ee aakhiro baanu heshiis ku aheyn, umaddani diyaar uma aha in la sawiro oo sawir beena la sawiro uma baahna, waxayna diyaar ugu aheyn nimanka halka aynu ognahay aan kala taaganahay in maanta ay idhaahdaan midnima loo oomanyahay oo waaka Madaxweynihii”.

“Ma khiyaamay nagu wadeen Sacuudi carabiya markay xajka kugu marti-qaadayen ma inad isa-salaaMtan ayey kugu wadeen. Nimankaa waxanu kala taaganahay labada Suudan ciidan baa la dhex dhigi jirey iyaga kala ilaaliya, halka aynu ku aragno dagaal baa noo dhexeeya, mid siyaasiya noo dhexeeya mid xabadeed baa noo dhexeysa, mid islaamnimo ayaa meesha oolin, sidaas daraadeed darbiga jabisay madaxweyne dhaawaceedu wuu ku haysta”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this