Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay gudaha degamada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida ay soo sheegayaan ilo deegaanka ah waxaa hadda socda dagaal u dhexeeya ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday.

Ma cadda weli inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al-Shabaab degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wixii soo kordha kala soco Caasimada.net

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this