Deeq A. Posted August 14, 2019 (SLT-Iran)-Hoggaanka sare ee Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada millatariga Israa’iil oo ay ku eedeeyeen ku xadgudubka dadka Rayidka. Kadib shir Jaraa’id oo ay magaalada caasimada ah ee Beyruut ee dalka Lubnaan ku qabteen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo ka mid ah ururka Xisbullah ayaa waxay ku hanjabeen in cashar ay u dhigi doonaan dowlada Israa’iil. Israa’iil ayaa dagaal xoogan la gashey maleeshiyada kooxdaan sanadkii 2006-dii, iyadoo markale ay u muuqato isku dhac Kale. Dhanka kale digniintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiirka Arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif, waxaana uu sheegay in xisbullah ay muujisay difaaca sharafta iyo qaranka Lubnaan iyo mida carabta, kadib dagaalkii ay la gashay Israa’iil sanadkii 2006-dii oo hada laga joogo 13 Sano. Source Share this post Link to post Share on other sites