Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Xisbullah Oo U Hanjabay Millatariga Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Hoggaanka sare ee Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada millatariga Israa’iil oo ay ku eedeeyeen ku xadgudubka dadka Rayidka.

15657209811719a.jpg

Kadib shir Jaraa’id oo ay magaalada caasimada ah ee Beyruut ee dalka Lubnaan ku qabteen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo ka mid ah ururka Xisbullah ayaa waxay ku hanjabeen in cashar ay u dhigi doonaan dowlada Israa’iil.

Israa’iil ayaa dagaal xoogan la gashey maleeshiyada kooxdaan sanadkii 2006-dii, iyadoo markale ay u muuqato isku dhac Kale.

Dhanka kale digniintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiirka Arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif, waxaana uu sheegay in xisbullah ay muujisay difaaca sharafta iyo qaranka Lubnaan iyo mida carabta, kadib dagaalkii ay la gashay Israa’iil sanadkii 2006-dii oo hada laga joogo 13 Sano.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this