Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Somali-Swedish Ah Iyo Rag Kale Oo Lagu Xukumay Dalka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Borlänge)-Maxkamad ku taalla magaalada Borlänge ee dalka Sweden waxaa la soo taagay 3 nin oo Shisheye ah, kuwaasi oo dhammaantooda lagu soo oogay falal la xidhiidha Kufsi lagula kacay gabadh 14-jir oo u dhalatay dalkaasi.

XUKUN-MAXKAMAD.jpg

Eedeysanayaasha oo kala ahaa Nin Somali haysta dhalashadda Swedishka iyo 2 nin oo u dhashay dalka Lithwaaniya ayaa la sheegay inay gabadhaasi yar kufsadeen, markii ay isku barteen Aaladda Baraha Bulshadda ee Snapchat.

Ninka Somali-Swedish-ka oo lagu magacaabo Abuukar Axmed Maxamed oo 19-jir ah waxa uu qirtay inuu ragga kale u fududeeyey inay kufsadaan Gabadha da’da yar, Tahriibinta dadka, iyo in lagu soo oogay dacwad la xidhiidha Ganaacsiga Daroogadda,sida ay Warbaahinta dalkaasi qoreen.

Xeer-beegtida Maxkamadda magaalada Borlänge waxay Eedeysanaha Somali-Swedish-ka ku xukuntay Xabsi 4-sanno iyo Ganaax Lacageed oo dhan 107,000 ee Lacagta Swedish-ka eeKrona, taasi oo u dhiganta 17,777 Dollarka Maraykanka.

Dhinaca kale, Labada Eedeysane ee ka soo jeeda dalka Lithwaaniya waxaa iyagana lagu xukumay Xabsi dhowr sanno, iyo msarka ay dhamaystaan Xabsigooda dib loogu celiyo dalkodoa hooyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this