Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan Oo Ku Eedeysay Sacuudiga Iyo Imaaraadka In Ay Kala Qeybinayaan Dalka Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dowlada Islaamiga ah ee Iiraan Aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa ka digay in Sacuudiga iyo Imaaraadka oo howlgal millatari sanadihii la soo dhaafay dalka Yemen ay kala qeybiyaan Dalkaasi.

1565718607b6b19.jpg

Mr Khumeyni ayaa sheegay in labada dal ay diirada saarayaan Arintaan waxaana uu ugu baaqay hogaamiye yaasha Yemen in midnimo ay muujiyaan si loo hortago qiyaanada Cadowga.

Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib kulan uu la yeeshay saraakiil sare oo ka socdo xuutiyiinta oo uu hogaaminayo afhayeenka kooxdaas Maxamed Cabdi Salaam, kuwaasi oo booqasho ku jooga magaalada caasimada ah ee Tehraan.

Wuxuu sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku guul dareysteen duulaanka milatari oo ay ku qaadeen dalka Yemen sanadkii 2015-kii, ayna hada doonayaan in labo ay u kala Qeybiyaan.

Dowlada Iiraan ayaa horay waxaa loogu eedeeyay in taageero milatari iyo mid maaliyadeed ay siiso maleeshiyada xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta dowlada uu hogaamiyo madaxweynaha dibad jooga ah ee dalka Yemen Cabdu Rabbu Mansuur Haadi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this