Sign in to follow this  
Emperor

Higher Education College: Islamic Finance to open in Bosaaso

Recommended Posts

Emperor   

Xarun Lagu Baran doono Dhaqaalaha Islaamka Oo Laga Furaayo Bosaaso

November 23, 2010

 

Xarun cusub oo lagu baran doono dhaqaalaha Islaamka ayaa dhowaan laga furi doona magaalada Bosaaso iyadoo xaruntaas laga maamuli doono dalka Malaysia ee qaarada Asia.

 

Machadka Dhaqaalaha Islaamka (College of Islamic Finance) ayaa lagu wadaa in si rasmi ah laga furo magaalada sanadka cusub ee 2011 iyadoo dhowaan ay socdaal ku yimaadeen Bosaaso masuuliyin ka tirsan Machadka luuqadaha ee (Elite language Center) oo ku taalla magaalada Kuala Lampur ee dalka Malaysia.

 

Xassan Cumar Axmed oo madax ka ah Xarunta la talinta ee Elite Consultant oo ku taalla dalka Malaysia oo wareysi gaar ah siiyey Horseed Media ayaa sheegay in machadkaan lagu baran doono luuqada Ingiriiska iyo arimaha dhaqaalaha Islaamka.

 

Wuxuu intaas ku daray in machadkaan uu ku xiranyahay Xarunta machadka luuqadaha Elite ee ku taalla dalka Malaysia iyadoo uu tilmaamay in macalimiin khibrad badan leh ay wax ka dhigi doonaan.

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiri doonaan casharo lagu bixin doonaan aalada casriga ee loo yaqaano ‘Video Conference’ oo ay dalka Malaysia kasoo gudbin doonaan macalimiinta ku sugan iyadoo si toos ah ula socon doonaan ardayda wax ka baran doonta qaybta Bosaaso.

 

Mr.Xassan Cumar ayaa intaas raaciyey in xarunta ay xirrir la leedahay Jaamacado ku yaalla caalamka,iyadoo dhowaan ay aqoonsi rasmi ah ka heli doonaan Wasaarada Waxbarashada ee dalka Malaysia taas oo bixin doonta shahaadooyinka ardayda dhamaysata koorsooyinka.

 

Wuxuu sheegay in Wasaarada Waxbarashada Dawladda Puntland ay aqoonsi ka heleen isla markaana si wanaagsan usoo dhoweyeen.

 

Ardayda dhamaysata koorsooyinka machadka ayaa waxaa ay waxbarashadooda kasii wadan karaan dalka Malaysia iyadoo aan shuruudo kale lagu xirin.

 

Machadkaan cusub ee lagu baran doono dhaqaalaha Islaamka iyo luuqada Ingiriiska ayaa noqon doona kii ugu horeeyey oo noocaan oo la hirgeliyo magaalada Bosaaso oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii Dawladdi dhexe ee Soomaaliya ku horumartay dhanka waxbarashada qaybaheeda kala duwan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

salaams emperor, iska waran.

 

Good news - but i have to ask why post on the politics section - have you caught the flu of sol aka "siyaasadu waa politics"? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Salaams to you boowe.

 

eerr... My bad, I posted few topics here and this followed, I forgot to change sections. Move it to anywhere you wish brother or admin/mods may do.

 

Balse SOL's politics section wax kasta waa kasocdaan, shukaansi xataa waad ku arkaysaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@shukaansi xataa waad ku arkaysaan

 

hope that shukaansi will result in political marriage of convenience aka coalition. :D

 

i wanted to marry Ninac - but she doesn't want to live in Qardho - and she told me i have carry an ID card in Xamar :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL@ NinaNC blushing - who knew she was even capable of that - always had her as a dadqalato :Dicon_razz.gif

 

 

Taleexi - waxaagu waa ku qabso wax kuma waayesida :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

lol @Sayid: Ku qabso ku qadi mayside sheekadu waa u yare egtahay mase aha... Horaa loo yiri labo nin hadba waxaa adag kii haweenaydu raacdo, aragaanee meesha sheekadu ku danbayso :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lmao@dadqalato, that is just wrong Sayid, I'm a mortal n not some vampire...n what did I ever do to you guys to make you say that?

 

Btw, aren't you guys married with kids? or you r looking for minyaro, is that it?

 

Just to be clear, I don't accept sloppy seconds cuz I'm always number 1, you got that? thank you.

 

p.s. Who said I was available anyways? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Koleyba anigu I've my own reliable sources of which I dare exposing them in public if I'm pushed to. In the case of my quest of minyaro, I rather prefer not to comment on it. Af dab-oolan dahab Illaahay amarkii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this