Deeq A.

CC Shakuur oo si cajiib ah shacabka ugu iftiimiyey ‘halis ka daran Al-Shabaab’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si cajiiba sheeko ugu iftiimiyey dad ka halis badan Al-shabaabka gumaadka ku haya umadda Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in dadka iska dhigaya inay shacabka wax u qabanayaan ee weliba siraya ay ka halis badanyihiin kooxaha xagjirka ah.

Hoos ka aqriso qoraalka uu arrintaas kaga hadlayo oo dhameystiran

“Shimbir baa wuxuu doonay in uu barkad biyo ku jiraan ka cabo. Wuxuu arkay dhallinyaro ku xoonsan barkadda oo ka biya cabaya. Wuxuu is yiri bal u yara kaadi inta ay banneynayaan goobta.

Markii ay dhallinyaradii dhammeysteen oo ay barkaddii faarujiyeen, ayaa waxaa soo dhacay nin oday ah oo ger wayn leh oo ay haybad iyo deganaan ka muuqato.

Shimbirkii wuxuu is yiri odaygan waxba kuuma dhimayee bal biyahaaga cab. Barkaddii ayuu dhinac kaga soo degey. Odaygii ayaa inta dhagax qaatay shimbirkii Il ka tuuray.

Shimbirkii ayaa dacwooday, garsoorihiina wuxuu xukmiyey in odaygii la qisaaso oo Isha uu shimbirka ka tuuray laga rido. Shimbirkii wuxuu yiri ma doonayo in ishii uu odaygu iga tuuray la iigu qisaaso.

Wuxuu yiri waxaan rabaa in gerka la iiga guro, sababtoo waxaa i hoday oo aan ku sirmay waa garkiisa weyn.

Alshabaab in ay na gumaadaan way xanuun badan tahay, laakiin dadka na siraya ee aan moodno in ay wax noo qabanayaan ayaa ka xanuun badan. Kuu dhaamin maayo dhagar ayey dhaantaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.