Sign in to follow this  
Gar-haye

A tribute to a hero, leader, and a scholar.

Recommended Posts

Gar-haye   

Taariikh nololeedkii halgamaagii Sh ibraahim C/laahi Maxamad, Gudoomiyihii hore ee ururka ONLF

 

 

Sh Ibraahim C/laahi Maax waxa uu ku dhashay magaalada Qallaafo oo ka mid ah magaalooyinka taariikhiga ah ee wadanka ******iya Itoobiya gumaysato, sanadku markuu ahaa 1941.

 

Tacliintiisii ugu horaysay, wuxuu ku qaatay tuulada (baarguun) oo 60km hilaadii u jirta magaalada Goday, halkaasoo uu ku bartay quraanka iyo naxwaha, iyo fiqiga shaaficiga, oo uu iiga magac dhabay, kitaabka (alminhaaj) ee imaamu nawawi allifay.

 

Culimada uu kutubtaa ka akhristay, wuxuu iyana iiga sheegay, (sh muxumad shibli), oo ah waalidka sheekha caanka soomaaliya ka ah (Sh Maxamuud Sh Muxumad Shibli).

Sheekhu quraanka wuu xifdisanaa, mase waydiinin goortuu xifdiyay, iyo mudada uu ku xifdiyay toona.

 

Kadib sheekhu wuxuu ka mid noqday raggii kontonaadkii qarnigii hore u lugeeyay, jaziirada carabta, si ay cilmi uga raadsadaan xajkana oogusoo gutaan.

 

Safar dheer kadib makka ayuu tagay, sanadku markuu ahaa 1959 wuxuuna marti ugu noqday halkaas, (Sh Maxamad Soomaali) oo ahaa culimada Jaziirada kuwa ugu waawayn, kana akhrin jiray, xaramka makka cilmiga xadiithka, isagoo halkaa arday ugu noqday, kutubna kaga akhristay uu iiga magac dhabay (saxiixul bukhaari).

Kadib, wuxuu u jeestay tacliinta nidaamiga ah, wuxuuna ka dhameeyay sakandariga madaraso, raacsanayd (machadka cilmiga ee riyaad).

 

Sanadku markuu ahaa 1970 wuxuu ka qalin jabiyay kuliyada shareecada ee jaamacada (imam maxamad binu sucuud alislaamiya).

 

Kadib wuxuu ku noqday soomaaliya wuxuuna ku biiray wasaaradii tacliinta ee jamhuuriyada dimoqraadiga soomaaliya, isagoo ka noqday macallin dugsiyada sare ee magaalada hargaysa sanadkii 1972 .

Kadib wuxuu u jeestay dhanka siyaasada, wuxuuna ku biiray (jabhada xorayna soomaali galbeed).

Wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii dhex maray soomaaliya iyo itoobiya 1977, isagoo ka mid ah jabhaddaas.

 

Kadib wuxuu ka mid noqday golaha dhexe ee (jxsg), wuxuuna u noqday wakiilkeeda u jooga dalka (imaaraatka carabta) ilaa sanadkii 1989.

 

Sanadku markuu ahaa 1984m waxay isaga iyo toban xubnood oo kale aasaaseen jabhada (onlf). Iyagoo hadafkoodu ahaa in qaraarka xoraynta soomaali galbeed ay u madaxbanaanaadaan reer soomaali galbeed, farahana looga bixiyo dawlada soomaaliya, oo markaas maamulka jabhada saamayn iyo jihayn wayn ku lahayd.

 

Kadib waxaa si rasmi ah loogu doortay gudoomiyaha jabahda sanadkii 1991, wuxuuna madaxwayne ka ahaa ilaa iyo sanadkii 1998

 

1999m sh ibraahim wuxuu aasaasay markaz cilmi baadhis oo mgaciisa la dhaho (المركز الإقليمي للأبحاث والدراسات الإستراتيجية في القرن الأفريقي )

 

Wuxuuna kazoo saari jiray majalad ama joornaal magaciisa la yidhaahdo (alqarnul carabi) oo macneheedu yahay (qeeska carabta) wuxuuna ula jeedaa waxa caalamka loo yaqaano (geeska afrika) isaguse waa diidanaa in geeska lagu magacaabo geeska afrika, maxaa yeelay wuxuu aaminsanaa soomaali dhamaanteed inay ka mid yihiin dhul iyo dadba khariidada carabta, sidaa daraadeedna geesku uu yahay geeska carabta!!.

 

Sh ibraahim wuxuu ahaa qoraa, caan ka ah dunida siiba inta wax ku akhrida afka carabiga, isagoo kutubtiisa badankeeda ku qoray afka carabiga, islamarkaana ku lahaa joornaalada iyo majalaadka khaliijka maqaalo aad u tira badan qaarkoodna ayba joogta u ahaayeen!.

Kutubtuu allifay waxaa ka mid ah:

Alhaziima athaalitha lilxabashah 1982 (jabkii saddexaad ee xabashida).

Tafsiiru taariikh 1992.

Tafsiiru nidaal 1995 (tafsiirka halganka) wuxuuna ku qoray afka soomaaliga.

Tuxfatul awfiyaa, limasiiratil taxriiri watacriibi filqarnil afriiqi, wuxuuna ii sheegay sheekhu inuu kitaabka magucuu ku allifay uu ahaa (alsiraacu baynal masjidi walkaniisah fil qarnil afriiqi) oo macnihiisu yahay halganka u dhexeeya masaajidka iyo kiniisada ee geeska afrika, laakiin uu u badalay arimo siyaasadeed darteed!.

Macarakatul kharaaid filqarnil ifriiqi (dagaalka khariidooyinka ee geeska afrika) kaasoo uu ku odorosayo, khariidooyinka hada ka jira geeska afrika iyo dagaalka loogu jiro in wax laga badalo, kitaabkan sheekhu wuxuu ii sheegay inuu dhameeyay sanadkii hore 2007m, laakiin wali daabacaad ma helin ogaantay.

 

Sheekhu Aalaha u naxariistee_ wuxuu guursaday saddex haweena, ifkana wuxuu ubad kaga tagay, afar wiil iyo afar gabdhood.

 

Sheekhu sifaad wanaagsan oo tira badan ayuu lahaa, hadaan ka xuso dhanka diinta wuxuu ahaa nin aad u daaco badan, aadna ugu dadaala salaada inuu ku guto jamaacada masaajidda, mar aan waydiiyay maxaad u joogi la,dahay yurub oo uu iqaamad kulahaa caruurtiisa badhkoodna daganyihiin, wuxuu iigu jawaabay, ma rabo inaan dago meel aan masaajid lagu tukado lahayn ama ayna sahlanayn tagistiisu!!.

 

Wuxuu ahaa nin qur,aan akhris badan oo ay yartahay inuu ka tago wardigiisa habeenkii, waxaase iga yaabiyay inaanan sheekha ku arag isagoo kitaab quraana haysta, ama shandada safarka ku wata!! Markaan arinkaa waydiiyayna wuxuu iigu jawaabay, inuu quraanka loox ku xifdiyay, illaa hadana uusan u baahanin musxaf!!!.

 

Dhanka siyaasada oo qudheedu soo hoosgalaysa diinta waxaan ka tilmaami karaa inuu ahaa, nin aad xabishada u neceb halgan dhinac kasta ahna u galay sidii loo jabin lahaa xabashida, dariiqaasna aan waligii ka leexanin, kuna danbaabi mayo qofkii yidhaahda (halgankii dartii ayuuba u naf baxay!!), hadii wax badan laga iloobo halgankiisa waxaan marnaba soomaalidu iloobi doonin halgankiisa xaga qalinka ee uu ka qoray taariikhda xabashida iyo asbaabta lagaga guulaysan karo, oo ah dhaxalka ugu muhiimsan ee uu ooga dhintay bulsha waynta soomaalyeed ee xoriyadoonka ah, islamar ahaantaana mudan in si qota dheer loo diraaseeyo.

 

Sheekhu wuxuu geeriyooday duhurnimadii Axadii taariikhdu markay ahayd 18/6/1429h, oo waafaqsan 22/6/2008, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Dubai

 

Alaha u naxariisto sh ibraahim cabdala maxamad, jana fardawsana ha ka waraabiyo, eheladiisii iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alaha ka siiyo.

 

Waxa diyaariyay/ Dr: C/raxmaan Sh claahi C/raxmaan Madani)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

allaha u nexariisto sheikh Ibrahim cabdala janada fardiiso ha ka warabiyo, samiir iyo imaana hakasiyo eheladiisii iyo dhamaan umada somaliyeed, iyo halgamayasha onlf. he was truly a noble man who strified for freedom, stood for what he beleived, and spent most of his life in its pursuit. he joins a company of heroes that is the envy of all noble halgame, he joines such greats as the sayiid abdallah xasan, garaad makhtaal and ahmad gurey. may allah rest his soul in peace and grant him janatul firdoisa.

 

 

the stories of those who new him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

An ****** Hero: A Tribute To Sheikh Ibrahim Abdalla

****** Online Editorial

June 23, 2008

 

Heroes are borne from circumstances. They are a product of their environment. They come to embody a situation and a period of time. Sheikh Ibrahim Abdalla was a true ****** hero. To the people of ******, he was synonymous with the struggle. He was deliberate in speech and steady in thought. He was constantly working whether it was joining others to found the ****** National Liberation Front (ONLF), or writing a book for the generations that come after him.

 

To this ****** hero, there was seemingly an unlimited variety of ways to support the struggle. While he is best remembered for leading the ONLF through the decision to pursue armed struggle, he was also a man who left no stone unturned to seek to obtain the rights of the Somali people of ****** to self-determination through peaceful means. His courage was well known to all our freedom fighters, and he was loved by all of us.

History gives us very few heroes as such, when they pass it is cause for pause and reflection. If nothing else, the greatest tribute to Sheikh Ibrahim Abdalla and the hero's before him and those who will come after him is to ensure that this generation will be the last generation of our people under occupation.

 

For all those who bled in the sands of ******; for all those who walked countless miles under the hot sun to find the enemy; for all those who tended to a wounded freedom fighter; for all those who stood up to the occupation; and for all the heroes of our struggle, your sacrifice will not be in vain. As assured is the sun's rise in the morning and its setting in the evening, your sacrifice will not be in vain.

 

The march of the people of ****** towards freedom is unstoppable. Every village burned, every father killed, and every community harassed by the occupation forces produces another Sheikh Ibrahim, another Makhtal Dahir, and another hero. We cannot be stopped in our march forward as we are at a point of no return. Our people will go all the way this time for we have nothing left to lose.

 

This is the generation that will free ******. This is the generation that will conclude our centuries old struggle for freedom. This is the generation that will pay back all the heroes who have given everything so that we can someday have something to be proud of.

 

Our time is now and our moment is here. Africa will witness the birth of a new nation borne of over 100 plus years of struggle and personal sacrifice. We will not be denied what our fathers and their fathers have bled for and died for. We will not be denied what our brethren have suffered for. Surely we will not be denied what is rightfully ours.

 

Freedom is not and has never been free but we are willing, ready, and able to pay the price. ****** belongs to us and we will take it back by any means necessary. While we mourn the passing of our great hero Sheikh Ibrahim Abdalla, we celebrate his heroic acts to rid ****** of the Tigrian tyranny.

 

 

editorial@******.com

****** Online Editorial

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this