Sign in to follow this  
Asxabul_kahf

It must be a DREAM! mogadishu 2006

Recommended Posts

BROTHERS AND SISTERS...FEAR ALLAH...and stop getting your vision distorted by cruelty tribalism and all the other filth driving people to nifaaq. Look how our brothers and sisters are working hard to do good and bring peace to our home. give them their due probs and respect. support them and if you cant at least say something good or be quite.

 

May allah give them complete victory over all the shayatin!.

 

------------------------------------------------

 

 

Ololaha Nadaafada Gobolka Banaadir oo si rasmi ah uga bilowday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.(daawo sawirada)

Posted to the Web Jul 20, 15:31

 

 

Muqdisho:-Guddiga Nadaafada gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah hawlo nadaafadeed uga bilaabay magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah qorshe golaha maxaakimta islaamiga ay ugu tala galeen in lagu soo celiyo bilic samida magaalada Muqdisho.

 

 

baalayaasha-oo-ku-sii-jeeda.jpg

 

 

 

Guddigan oo maalintii isniintii guddoomiyaha golaha maxaakimta islaamiga uu kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa hawlahooda nadaafada ka bilaabay goobo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha, fagaaraha Taribuunka iyo goobo kale oo istiraatiiji ah, ayada oo ololahan ay ka qeyb qaadanayaan ururada bulshada rayidka ah, maamulka degmooyinka iyo dadweyne aad u fara badan.

 

 

qashin-buuxa-fagaaraha-tari.jpg

 

 

Boqolaal qof oo u badan hablo ayaa maanta si weyn uga qeyb qaatay olalaha nadaafada ee lagu soo celinayo bilic samida magaalada Muqdisho, waxaana maanta buuxiyay inta u dhaxeysa warshada caanaha ilaa isgoyska Taribuunka dadweyne ka qeyb qaadanaya hawlaha nadaafada.

 

 

haween-ka-qeyb-qaadanaya-na.jpg

 

 

mid-ka-mid-ah-ururada-ka-qe.jpg

 

Guddoomiyaha golaha samafalka iyo horumarinta Soomaaliyeed Sheekh Axmed Maxamed Suleyman oo xubin ka ah guddiga nadaafada gobolka Banaadir ayaa sheegay in hawlaha nadaafada si dar dar leh ay ku bilowdeen, waxa uuna ka codsaday shacabka ku dhaqan magaalada Muqdihso in aysan u kala harin ololahan lagu soo celinayo bilic samidii luntay ee magaalada Muqdisho.

 

sh-axmed-oo-saxaafada-la-ha.jpg

 

 

Wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa gawaari lagu soo xiray cod baahiyayaal, kuwaasi oo la socodsiinaya dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho in uu bilowday ololihii nadaafada gobolka Banaadir.

 

 

 

 

olole-nadaafadeed-oo-ka-soc_1.jpg

 

 

Golaha maxaakimta islaamiga Soomaaliyeed oo la wareegay gacan ku haynta magaalada Muqdisho ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay soo celintii bilicsamadii lagu yaqiinay magaalada Muqdisho, waxa ayna ku dhaqaaqeen furista wadooyinkii dagaalada sukeeye ku xirmay iyo olole lagu nadiifinayo magaalada ayada oo arrintaasina loo xil saaray guddi ka kooban 5 xubnood oo kala shaqeyn doona maamulka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo celinta bilicda magaalada.

 

Halgan.net

C/Qaadir Osman

Muqdisho

 

SOURCE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this