Saalax

Somaliland region politicians continue to wail "SFG took over the airspace and livestock"

Recommended Posts

Saalax   
2 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Waxaan calaacalka iyo baroorta maka daalaan miyaa? Waxa hore loo dhahay haddaa dhimaneysid dhareerka waa la iska duwaa.

 

:D wa lala yaabay 30 sano oo calaacal ah ba aqoonsii keeni wayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF Soomaaliya oo ‘hawada ka celisay’ diyaarad ku sii jeeday Hargeysa

Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay hawda ka celisay diyaarad ka timid dhinaca dalka Kenya, kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Diyaaradda oo siday qaad fara badan oo ah nooca loo yaqaano Miirooga ayaa lagu soo warramayaa inay u rarneyd ganacsatado reer Somaliland, balse waxaa hawada ka celisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo heshay xog-ta diyaaraddaasi, inta aysan dagin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online diyaaradda ayaa dib ugu laabtay dalka Kenya, waxaana ka degtay garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

Sababta ay dowladda Soomaaliya dib ugu celisay diyaaradda ayaa la xiriirta sida la sheegay xayiraaradda weli saaran duulimaadyada ee ka dhashay cudurka Covid-19.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac iyo Kenyaba oo la xiriira diyaaraddaasi dib looga celiyey hawada Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmahan uu yaraaday Qaadkii Somaliland uga imaan jiray dhanka Ethiopia, sababo la xiriira qalalaasaha ka socda gudaha dalkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda dhinaca hawada hawada ee Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan ay wada-hadallo uga bilowdeen dalka Jabuuti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliland oo ka hadashay Diyaarad Hawada Soomaaliya shalay laga Celiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya Shalay waxaay ay Hawada ka celisay Diyaarad siday qaad badan oo dooneyay inay ku degtao Magaalada Hargeysa sida la sheegay kana timid dalkani Kenya,waxaana tallaabadaasi ka hadlay Masuuliyiinta Soomaaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in arrintaasi ay jirto,isla markaana dowladda Soomaaliya ay ku kacday fal uu sheegay in uu qeyb ka yahay waxa uu ku Tilmaamay dagaal ay kula jirto Soomaaliland.

Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in Arrimaha looga hadlay shirkii Jabuuti ay qayb ka aheyd in hawada Soomaaliya la wada maamulo,isla markaana tallaabada ay shalay qaaday Dowladda Soomaaliya ay wax u dhimi karto heshiisyadii ay horay u wada gaareen labada dhinac.

Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada weli kama hadlin tallaabada ay ku joojisay diyaaradaas,hayeeshee ay xusid mudan tahay in weli dowladda Soomaaliya aysan furin duulimaadyada Caalamiga ah balse Maanta dib loo bilaabay.

Ku dhawaad boqol Cisho oo ay xirnaayeen duulimaadyada gudaha dalka Soomaaliya ka dib saameyntii cudurka safmarka ah ee Covid19 oo yaraatay darteeda ayaa saakay si rasmi ah dib loogu furay.

MXigashounaasabad kooban oo ka dhacday gudaha garoonka Adan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu maamuusay dib u furka garoonka iyadoo ay goob Joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Maareeyaha hay,adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali ay jirto halista cudurka Karoona Feyrus.
Golaha Wasiirka xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee Khamiislaha ah ku ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo horay loogu hakiyay si loo yareeyo faafitaanka cudurka covid19.
Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii bisha sedexaad ee sanadkaan 2020 hakisay duulimaadyada gudaha sabab la xariiira cudurka safmarka ah ee Covid19 oo xiligaas si aad ah bulshada ugu dhex faafayay wallow hada tirade Maalin laha ah ee Soomaaliya ay aad hoos ugu dhacday marka loo fiiriyo bilowgii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.