Sign in to follow this  
Deeq A.

Michelle Obama oo si weyn u taageertay Ilhaan Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xaaska Madaxweymihii hore ee dalka Mareykanka Michelle Obama ayaa taageero u muujisay Ilhaan Cumar iyo saddex kale oo ka tirsan Kongreska dalkaasi.

Michelle Obama ayaa si weyn uga horjeesatay hadalkii uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Trump, kaas oo ahaa inay dalalkoodii hore ku laabtaan haweenka xildhibaanada midabka leh ee ka tirsan golaha Kongreska Mareykanka.

Qoraal ay soo dhigtay haweeneydan barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in Trump uu ku kacay gef aan garowshiyo laheyn.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Mareykanka qofka u dhashay iyo kan Qaxootiga ku ah ay u wada siman yiihiin.

“Xitaa, haddii aan ku dhalanay halkan ama aan soo raadsanay Qaxooti, waxaa jira meel aan wada leenahay, waana waajib inaan xusuusnaano inaysan ahayn Maraykankaya ama Maraykanka, ee waa Maraykanka aan wada leenahay” ayey ku qortay Twitterkeeda.

Siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa horay u cambaareeyey tallaabada uu qaaday Madaxweynaha dalka Mareykanka Donold Trump.

Afarta haween oo uu Twitterkiisa ku weeraray Trump ayaa kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez , kuwaas oo dhammaan loo doortay aqalka Koongreska doorashadii xilliga dhexe ee dhawaan ka dhacday Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this