Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo magaca ‘iska beddeleysa’ si aqoosni ay u hesho – Xildhibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta shaaciyey in Somaliland ay iska badalayso magaceed si beesha caalamka aqoonsi buuxa uga hesho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay u howl-galeyso sidii ay iskaga badali laheyd magaceeda, taasi oo uu sheegay inay u horseedi karto ictiraafka ay mudada badan ugu jirtay baadi-goobka, isagoona xusay in dowladda Soomaaliya ay ku colaadineyso Somaliland magaceeda.

Xildhibaa Dheeg ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay Guddiga uu Farmaajo u magacaabay Dib u heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyey inaysan Somaliland wada-hadal la fureyn dowlada Soomaaliya, ilaa inta ay ka imanayso dowlad loo dhanyahay.

Dheeg ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ku jirto colaad, isla markaan uu Somaliland ka raadinayo godob uu sheegay inay hore u gashay.

Xildhibaan Dheeg oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Waxa wada-hadlaya reer Talyaani iyo reer Ingiriiskii Soomaaliya, Soomaaliduna shan meelood ayey kala aheyd, Waxaana wada-hadlaya Somaliland iyo Soomaaliya, labadii maalintii isku darsaday kowdii luulyo ayaa wada-hadlaya”.

“Nin anaga maalintii Somaliland ahaa, xagaa (Muqdisho) intuu ka soo jeesto sidii wax waalan la hadli mayno anagu, wuxuunba la hadleynaa Nimankii reer Talyaani ee aanu wax isku darsanay oo soocan, oo weliba goboladooda ka kooban, ilaa marka ay dowlad yeeshan, dowladaasina ciday inoo soo dirto ayaanu la hadleyna”

Wuxuuna intaas kusii daray “Farmaajo intuu haysto la hadli mayno, waayo ninkan colaad baa ku jirta, Adeerkii ayaanu ka ridnay oo godobtii ayuu naga raadinaya anaga, waanu garaneyna halka uu nagala dagaalamayo, markaa wixiisa ha iska haysto, cidii uu wax ka qaadayo ha ka qaado, wuxuu naga cadaadinayo hanaga cadaadiyo”.

“Waxa ina haysta waa magaca xun ee aan la sheeganeyno, waana raacsanahay in la iska badalo magaca oo waa in laga fikiro oo labada Golle loo diro magacaa, lana ansixiyo magacaasi, loogana tago sidaynu uga tagnay Baasaboorkeeni”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this