Sign in to follow this  
Deeq A.

Goleyaasha Somaliland oo amar culus la dul dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku mabnuucayo in fadhiyo aan caadi aheyn yeeshan Goleyaasha deegaannada Somaliland.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxa lagu xusay in xildhibaanadu gebi-ahaanba aysan qaban karin fadhiyo ay xilka kaga tuurayan Maayarada iyo ku-xigeenadooda.

Wareegtadan maanta ka soo baxday xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshino ka dhana Maayarada, waxayna u dhigneyd sidan:

Ujeeddo: Mabnuucid Kalafadhi Aan Caadi Ahayn:

“Iyadoo lagu jiro sannadkii u dambeeyay xilligii doorashada loo asteeyay oo ah 12/12/2019.

Iyadoo xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshin lagu ridayo Maayarrada.

Iyadoo xildhibaannada qaarkood si badheedh Xad-gudub ugu samaynayaan Xeerarka iyo Sharciga dalka, qaab-darrada iyo Xad-gudubka Sharciyeed iyo weliba kicinta Dadweynaha, iyagoo Xildhibaannadu arrimahaa abaabulaya ay Dadweynaha sifo qabiil kicin ugu samaynayaan Dadweynaha kicin, taasina ay iska hor-imaad iyo nabad-galyo xumo dhaawacaysa Nabadgalyada guud ee dalka (keeni karto) iyo nidaamka Dawladnimo.

Haddaba, dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka waxa la farayaa inaan la qaban karin Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ah Mooshin lagu ridayo Maayarrada iyo ku-xigeennada.

Maaddaama oo wakhtigii Doorashadu soo dhow yahay, Dalkuna ku jiro Xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in la iska kaashado oo wadajirna looga hor-tago Xaaladaha inna soo waajahay ee cadowgu inoo maleegayo”.

Wareegtadan uu soo saaray Wasiirku ayaa waxay daba socotay muran baahsan oo maalmihii u dambeeyay ka dhexeeyay maayarka Gabiley iyo xildhibaanada golahaasi, taasi oo u muuqata in Wasiir Kaahin uu maaro kale u waayey.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this