Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo imise maamul iyo siyaasi ayuu WEERAR ku qaaday 3 sano gudahood?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u muuqda in waqtigiisa ku dhameysanayo buuq siyaasadeed iyo go’aano deg deg ah oo ku dhisan dano gaar ah oo ka fog danta guud.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo sanadkiisii saddexaad gabo gabo maraya ayaa weeraray siyaasiin iyo inta badan maamul gobaleedyada iyadoo ay yartahay shaqooyinka muuqda oo laga qabtay baahiyaha dalka ka jira iyo qodobada ugu waa wayn ee laga filayo dowladiisa in ay dhameyso.

Maxamed Cadbullaahi Farmaajo, ayaa weerarkii ugu horreeyay ku qaaday Madaxweynihii Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, sanadkii 2017-kii isagoo dagaal adag la galay maamulkiisa. Waxay taageereen in halkaas uu ka soo baxo Madaxweyne taageersan inkastoo ay ku guul dareestayn hadane waxay milkiyeen Maxamed Cabdi Waare oo ay la heshiiyeen.

Sidoo kale Farmaajo ayaa dhamaadka sanadkii 2017, ceeb iyo fadeexo wayn kala kulmay dhibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Dowladda Itoobiya. Caro badan oo ka dhalatay arintaas ayaa sababtay in dib u dhac wayn ku yimaado shaqada dowladda kadib markii ay ku dhageyn Baarlamaanka iyo dadweyne careysan.

Isla sanadkii 2017 dhamadkiisa waxay weerar sababay dhimasho iyo dhaawaca ay ku qaadeen Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid. Arinta CC Shakuur oo muddo dheer taagneed ayaa sababtay in dowladda Soomaaliya ay lugaha la gasho guul darrooyin siyaasadeed oo aad u culus.

Dowladda Farmaajo kama aysan baaqsan weerarada aan la mahdin waxayna sii wadayn weerarkooda aan ku dhisneen danaha qaranka. Farmaajo iyo Kheyre ayaa weeraray Taabid Cabdi Maxamed bilaawgii sanadkii 2018, iyagoo xilka ka qaaday kadib markii ay Ciidamo Koofiyo Gaduud ah qabsadeen Xarunta Dowladda Hoose.

Weerarkii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa oo dhulka la galay sharaftii dowladnimada ayaa ku xigay Taabid Cabdi Maxamed, kaas oo lagu qaaday Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Jawaari ayaa la weeraray bishii March ee 2018 iyadoo muddo bil ah ay taagneed doodaas.

Weerarka jawaari ayaa gaaray jeer ay Ciidamo hubeysan qabsadaan Xarunta Baarlamaanka kadibna uu Prof Jawaari u tanaasulo Qaranka iyo badbaadada Umadda Soomaaliyeed maadaama ay taagneed xaalad amni oo halis ah.

2018, markale waxay weerar adag ku qaadeen Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan markii ay ka soo dhamaadeen Prof Jawaari. Nabad iyo Nolal waxay Koonfur Galbeed geliyeen waqti iyo lacag iyagoo soo qabtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo ka tirsanaa Musharaxiintii Koonfur Galbeed. Farmaajo ayaa Baydhabo geestay Lafta-gareen oo laga haray dhaqaalihiina laga goostay markii uu ku soo baxay Kursiga Madaxweynaha KGS.

2019, ayaa weerar kale oo aan yareysan waxay ku qaadeyn Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Haysom taas oo caro badna ka dhax-abuurtay Dowladda iyo Beesha Caalamka.

2019, oo meel dhexe maraya wali waa socdaa weerarada iyo go’aanada deg deg ah iyadoo maalmo ka hor laga soo dhamaaday inta badan Arimaha Galmudug hadana ay su’aasha dul taagan tahay Axmed Madoobe oo hogaamiya Jubbaland.

Xiriirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa ka jira weerar badan oo sanad walba lugaha la gala xaalado adag oo qatar geliya Soomaaliya.

Kaliya weerarada intaan kuma eka, ee waxaa jira qaladaad badan oo ka dhacay Xukuumadda oo ay kamid tahay weerarkii Bariire, dad lagu laayay magaalada Muqdisho waqtiyo kala duwan iyo dhacdooyin kale oo xanuun badnaa oo ay sabab u aheyd Dowladda Soomaaliya.

Hadii 3 sano Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhameestay weeraro iyo go’aanno deg deg ah iyo sidoo kale nin jecleysi maxaa lagu qaban karaa hal sano oo hadda dhiman? Waa sh’aasha ay qabaan dad badan oo Soomaaliyeed.

Inkastoo shaqooyin badan laga rabo Dowladda Soomaaliya ayaa hadana waxa ugu wayn ee looga fadhiyo waxay tahay dhameestirka Dastuurka iyo qabashada doorasho qof iyo cod iyo sidoo kale in Al-Shabaab dalka laga saaro mana jirto hal qodob oo kamid ah oo ilaa hadda la dhameestiray.

W/Q: Dalmar Cabdiqani Muuse
Garoowe, Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this