Sign in to follow this  
Deeq A.

“Asqo Diblomaasiyadeed Ayay Ku Jirtaa Xukuumaddeena Tamarta Darani”….Guddoomiye Saleebaan Xuquuq  

Recommended Posts

Deeq A.   

“Asqo Diblomaasiyadeed Ayay Ku Jirtaa Xukuumaddeena Tamarta Darani”….Guddoomiye Saleebaan Xuquuq

Saleebaan-Xuquuq-696x928.jpg

Guddoomiyaha Difaaceyaasha Ururadda Madaxa banaan ee xuquuqdaAadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan Xuquuq) oo muddo dheer ahaa u ololeeye Xuquuqda aadamaha ah wakhtigana ku nool carriga Maraykanka ayaa si adag u naqdiyey xukuumadda Somaliland iyo Go’aanka ay ku tahli wayday in ay ka qaadato Markabka xoolaha sida ee Sucuudigu ka hor joogsaday dalkeeda.

Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan Xuquuq) oo inta badan ka hadla Horumarka iyo qaddiyadda Somaliland waxa uu xukuumadda wakhtigan ku tilmaamay mid aan awood diblomaasiyadeed iyo karti ay wax ku qaban karto lahayn isaga oo ku dhaliilay in aanay xataa awood u lahayn in ay warqad diblomaasiyadeed oo Carabi iyo Ingiriisi ku qoran ay soo saaraan.

Saleebaan Xuquuq oo qoraal kooban kaga fal-celiyey waji gaxaba xukuumadda ka qabsaday arrimo badan oo ay wax ka qaban karaysay ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay degdelka uu ku leeyahay mareegta Facebook waxa uu ku yidhi sidan:

“Markabka Xoolaha Siday ee Sucuudigu dib ugu soo celiyaya Berbera waxay muujinaysaa Xukuumada Somaliland Dublamaasiyadeedu In ay tahay mid xataa ka hoosaysa Zero ‘0’. Ma jiro haba yaraadee wax Xiriir ah oo u dhexeeya Xukuumadeena bilaa khibrada ka ah maamulka diwaliga ah iyo Sucuudigu.

Asqo Dublamaasiyadeed oo wayn ayaynu Ku jiraa, Siyaasadu waa kubad xiligeeda la laago INA baahan xidhiidho joogto ah oo qaab duwalku macluumaadka isku dhaafsado Ku dhisan. Hal warqad Dublamaasiyadeed oo Af Carabi ah ama English ah aad ayay xukuumadeena ugu adag tahay In ay ka soo baxaan.

Xukuumada aan dal iyo dad toona xukumin ayaa iyagoo shisheeye ilaaliyo Awood u yeeshay in Qoraalo kaliya Xoolahii kaaga joojiyaan, Hawadii la wareegaan barkee mana jirto cid kale oo iyaga barbar socota oo dalalka iyo Hayadaha caalamiga ahi ka helaan Qoraalo ama mawqifyo ama badheedhe loo mariyo marinada dublamaasiyadeed ee Addunyadu Ku wada xiriirto.

Soo maroow malagaa gal ma soconayso. Haday jirto hal warqad oo ay isdhaafsadeen Dawladeena iyo Sucuudigu oo Ku saabsan markabkaasi Xoolaha u qaaday Jeddah waa taase ha sheegto”. ayuu qoraalkiisa ku soo gabogabeeyey Saleebaan Xuquuq.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this