Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ingiriiska Oo Shuruud Ku xidhay Siidaynta Markab Shidaal Oo IRAN Leedahay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa doonaysa inay siidayso Markab Shidaal siday oo ay ka qabatay Dawladda Islaamiga ah ee IRAN bishii hore.

WEb-iran-latest.jpg

Ingiriiska ayaa Markabka siidaynaya, haddii Jamhuuriyadda IRAN dammaanad-qaadi karto in Shixnadda uu sido Markabka aan ka geynayn Dalka Suuriya, sidaa waxa sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Ingiriiska Jeremy Hunt, Sabtidii Shalay.

Xoghayaha Arrimaha dibedda Ingiriisku wuxuu sheegay inay Wasiirka Arrimaha dibedda ee IRAN ku wada xidhiidheen Khadka Telefoonka uu u sheegay in Ingiriisku uu fududaynayo siidaynta Markabka Iran, haddii ay dammaanad-qaadi karaan in shixnadda uu Markabku sido aan la geynayn Suuriya.

“Tani waxay ka mid tahay Cunaqabataymaha uu Midowga Yurub culayska ku saarayo Suuriya..” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha dibedda Ingiriisku waxaanu intaa ku daray “Sababta Tallaabadan loo qaaday waa in Shidaalku u socday Suuriya oo la cunaqabateeyay, sababtu maaha inay ka timid IRAN..”

Wasiir Hunt waxa kale oo uu Warbaahinta u sheegay inuu Wasiirka Arrimaha dibedda ee IRAN u sheegay inay Markabka Grace 1 fududaynayaan sidii loo siidayn lahaa, haddii ay IRAN ka helaan Dammaanad ah inaanu Markabku Shixadda uu sido geynayn Suuriya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this