Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Aadan oo lagu toogtay magaalada MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda ayaa maanta Askari ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed waxa ay ku dileen isgoyska Korontada degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamada geystay toogashadaasi ayaa ku sugnaa barkoontarool oo gadiid lagu baaro oo ku taalla halkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Aadan, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online askariga la dilay ayaa ka mid ahaa ciidamada ka howlgala koontarool ku yaalla dhinaca isbitaal Madiina, kaas lagu baaro gaadiidka.

Lama oga sababta loo toogtay askarigan, basle waxaa wararku sheegayaan in is maan-dhaaf uu soo kala dhex galay Marxuumka iyo ciidamada dilka geystay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ka soo yeeray laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi iyo in la qabtay askartii ka dambeysay falkaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa inta badan ka dhaca isku dhacyo dhex-mara ciidamada dowladda, kuwaas oo sababa khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this