Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig xigay oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Qaraxa koowaad oo miino ahaa ayaa ka dhacay maqaaxi ka soo horjeedo xarunta Inji ee magaaladaasi.

Ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa ciidamada Ahlu-Sunna ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 Qof oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Barakaqabe oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa labaad ay ka hortageen ciidamada ammaanka, islamarkaana uu ku dhaawacmay hal Qof.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka warbixiyey qaraxyadaasi ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin lagu tuhmayo weeraradaasi, islamarkaana haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana Dhuusamareeb howlgallo ka bilaabay ciidamada ammaanka ee ka howlgala gudaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this