Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa ciidamada DFS oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsanaa ciidamada Booliska loogu geystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa la sheegay inay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa koontarool  lagu baaro gaadiidka oo ku yaalla isgoyska Korontada ee degmadaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Aadan, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga la dilay uu ka mid ahaa ciidamada ka howlgala koontarool ku yaalla dhinaca isbitaal Madiina ee M/Muqdisho.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilkaasi, basle wararka qaar ayaa sheegaya in is maandhaaf uu soo kala dhex galay Marxuumka iyo ciidanka dilka geystay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this