Sign in to follow this  
Deeq A.

Tababare Cabdi Joon “Waan Bogaadinayaa Shaqada Ay Qabteen Ciyaartooyda Kooxdayda”

Recommended Posts

Deeq A.   

kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed ay ku dhameystay kaalinta 2-aad ee kala sareynta horyaalka Somalia Premier League fasal ciayareedka 2018-2019 hadana dad badan ayaa qabay  aragti ah in xidigaha Horseed ay u qalmeen hanashada horyaalka marka loo eego ciyaarihii ay soo bandhigeen.

64672744_620756505105185_711216700694147

Layliyaha kooxda Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa Goobjoog u sheegay in uu aad ugu  faraxsanahay is badalka muuqda ay xidigihiisa muujiyeen welina uu soconayo hamigooda hanashada tartamada gudaha dalka ee kusoo wajahan iyo kuwa dibada ay kooxda ka qeybgalayso xagaagan.

66032208_2005852192853986_28942004429699

Kooxda Horseed 18-ciyaareed ay dheeleen horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 waxaa laga adkaaday 2 kulan waxaana ka badiyay kooxaha kala ah  Heegan iyo Elman kulamadaas waxa ay dhaceyn bilihii Maarso iyo April 2019 tababre Cabdi Joon ayaa Goobjoog u sheegay in aysan guuldarooyinkaas u qulmin.

0T8A2811.MOV.09_16_52_22.Still001-1024x5

Tababare Cabdi Joon ayaa hogaaminta naadiga Horseed kusoo laabtay April 2018 tan iyo kusoo laabashadiisa maxaa iska badalay hanaanka maamulka kooxda ee la tacaamulka ciyaartooyda.

64473556_1178177545687104_75593928719130

Taageerayasha cawa iyo maalin ee Horseed ayaa iyagana ciyaartooyda u muujiyay dhiiri gelin wanaagsan horyaalka Somalia Premier League 2018 2019 macalin Cabdi Joon ayaa ka mahad celinaya arinkaa.

66627339_2229382140460762_63351520180169

Kooxda Dekedda ayaa sanadkii saddexaad oo xariir ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League Macalin Joon  waxaa uu u hambalyo  u diray kooxdiisii hore Dekedda oo soo maamulay 2015-2016 maadaama markii 3-aad oo xariir ah loo caleema saaray hanashada  horyaalka Somalia Premier  2018-2019.

65957006_2265737530407476_88589479014899

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Horomarka Kooxda Horseed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this