Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo isbedal ku sameysay amniga Kismaayo kadib weerarkii Cascasey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in isbedal xoogan Jubbaland ay ku sameysay amniga magaalada Kismaayo, kadib weerarkii ka dhacay Hoteelka Cascasey ee magaaladaasi.

Ciidamada amniga ayaa sare u qaaday baaritaanada lagu xaqiijinayo nabad galyada, si looga hortago weeraro markale ka dhaca halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in waddooyinka magaalada iyo xaafadaha lagu soo daadiyey ciidamo fara badan oo sugaya amniga.

Sidoo kale xalay Jubbaland ayaa gabi ahaan Bandow ku soo rogtay magaallo Xeebeedka Kismaayo, iyadoo hakad la galiyey dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday Ismiidaamin ay ku qaadeen Hoteelka Cascasey oo ay daganaayeen Musharraxiin iyo mas’uuliyiin kale, kaas oo lagu dilay 26 Qof, laguna dhaawacay 56 kale.

Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in doorashada Jubbaland lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this