Sign in to follow this  
Deeq A.

Diinta islaamku maxey ka qabtaa falalka is qarxinta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Is qarxintu waxay ka jirtaa dhammaan caalamka Muslimiinta ee sunniga ah. Soomaaliya waxay kamid ahayd kuwa ugu danbeeya ee la baray ama la soo gaarsiiyay qaabkaan cusub ee dagaalka.  Marka waa dhib wayn oo caalamka Islaamka badankiisa haysata. Waa arrin u baahan inaan la fududaysan ee si run ah loo waajaho oo wax looga qabto. Halkii dawladaha dhaqaalaha iyo xoogga haysta isku mashquulin lahaayeen inay qirtaan cudurka islamarkaasna daawo u raadiyaan waxay ku mashquuleen fajac, argagax iyo eedayn.

Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa is qarxinta:

1-In ilaahey quraanka ku xaaraantinimeeyay in qof muslima is dilo oo uu naftiisa khaarajiyo sabab kastaba haku timaadee. {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَأْكُلُواْ أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَن تَكُونَ تِجَارَةً عَن تَرَاضٍ مِّنكُمْ وَلاَ تَقْتُلُواْ أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا (29) وَمَن يَفْعَلْ ذَلِكَ عُدْوَانًا وَظُلْمًا فَسَوْفَ نُصْلِيهِ نَارًا وَكَانَ ذَلِكَ عَلَى اللهِ يَسِيرًا}

Macnaha aayadduna waa (naftiina ha dilina ilaahey waa mid idiin naxariisanaayee qofkii sameeya oo isdilana naar ayaan gelineynaa)

2- Naniguna CSW woxow xadiith saxiixa ku caddeeyay oo ku jira bukhaari iyo muslim in qofkii is dila aakhiro lagu cadaabo sidii uu isu dilay asagoo jahanama ku jira.

3- Ma fasixin nabigu SCW in gaaladii waaweyneed ee diinta la dagaalameysay sidii abuu jahal in la dilo oo si gaadma ah loo dilo taas oo uu aad uga hortaaganaay saxaabada taas oo tusaaleyneysa in eysan banaaneyn arinkaasu sida culumada islaamkuba isku raacday haddey banaanaanleheedna gaaladaas ayaa lagu fulin lahaay dilkaas gaadmadaa.

4- Waxaa ka dhalanaaya in dad muslima la laayo taasoo xaaraan ku ah diinta islaamka .

5- In ey is qarxintaanu tahay in islamakii sharafkiisii la tashwiihiyo amaba loo muujiyo qaab aad uga fog tacaaliimta islaamka oo ku dhisana dacwada islaamka iyo mujaadalo wanaagsan oo lala yeesho xataa kuwa gaaladaa oo aan islaamka rumeysneyn sida quraankaba ku cad.

6- Jihaadkii islaamka oo la taxriifiyay oo loo bedelay in muslimiintu is warjaafaan amaba dhiigga islaamka leeska baneesto iyo in umadda loo sahlo in cadawga islaamku ey ka faa,iideestaan khlaafkaas gurucan oo gaaleysiintaasu ey ka abuureyso mujtamaca islaamka dhexdiisa oo gaarsiinaaya in sidii la rabo laga yeelo iyadoo laga faa,iideysanaayo khilaafkaas.

Halkaan Ka Daawo Aasaaskii Al-Shabaab iyo sababta ay u doorteen is qarxinta

Sheekh C/raxmaan Jibriil

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this