Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Maxaabiis lagu laayey Jilib + magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xoogan oo saacadihii la soo dhafay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo dhacday xalay saqdii dhexe ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday afar goobood oo Kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmadaasi.

Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah xarunta degmada, saldhigga, xarun qaraxyada lagu diyaariyo iyo xarun kale oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno la sheegay in loo diyaarinayay inay weeraraan fariisimaha ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu yaraan 19 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shababa ayaa ku dhintay duqeyntaas, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaank ah.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiray sarkaalkii maamulayay saldhigga degmada Jilib oo magaciisa lagu so gaabiyey Xasan Dheere iyo ku xigeenkiisa oo lagu magacaabi jiray Macalin Cali.

Sidoo kale dadka ku dhintay duqeyntan ayaa waxaa ka mid ah dad u xirnaa Al-Shabaab, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa shan Qof.

Dhinaca kale waxaa jira khasaare xoogan oo ka dhashay weerarada kale eel ala eegtay Al-Shabaab, balse aan la cadeyn karin inta uu la egyahay.

Lama oha heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyey duqeyntaasi, hase ahaatee inta badan diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliya koofurta Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this