Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo soo gabagabeynaya safarkiisii Gaalkacyo, kuna laabanayo Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gabagabeynaya socdaal uu saddex maalin ee la soo dhaafay ku joogay magaalada Gaalkayo ee xarunta gobolka Mudug.

Khayre ayaa intii uu ku sugnaa halkan tagay meelo badan oo ka mid ah magaalada, sidoo kalena booqasho muran dhalisay ku gaaray dhinaca Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaruhu haatan kulamo uu la leeyahay waxgaradka Gaalkacyo, kadibna uu u soo ambabixi doono magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii la socday Ra’iisul wasaare Khayre iyo ilaaladiisa ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay gaareen Dhuusamareeb.

Sida aan xogta ku helnay Xasan Cali Khayre ayaa markale kulamo ka bilaabi doono halkaasi, kuwaas oo xal loogu raadinayo aririmaha Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu la filayo in markale uu ku laabto reer Cadaado, si uu qanciyo tabashada ay qabaan.

Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa horya uga biyo diiday la kulanka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inuu ballan uga baxay.

In ka badan labo todobaad ayuu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku sugan yahay gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this