Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo oo ugaaskiisa kulan gaar ah la yeeshay kalana hadlay arrin xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan gaar ah Madaxtooyada Soomaaliya kula qaatay Ugaaska Beesha Mareexaan, Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, oo safar ku yimid magaalada Muqdisho.

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, ayaa u soo gaaray magaalada Muqdisho marti qaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya waxaana la sheegay in ay kawada hadleen Arimaha Jubbaland iyo xaalado kale oo ka jira Gobalka Gedo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ugaaska u sheegay qorshaha uu ka damacsan yahay doorashada maamulka Jubbaland ee sanadkaan 2020 isagoo ka dalbaday in lagu garab galo rabitaanka Dowladda ee qorshaha Jubbaland.

Ugaas-ka Beesha Mareexaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in ay ku garab galayaan dhamaan qorshaha uu ka damacsan yahay Jubbaland ee lagu badbaadin karo dadka degan degaanada Maamulkaasi oo wajahaya dhibaato badan.

Ugaas-ka ayaa sheegay in dadka ku nool Gobalka Gedo iyo guud ahaan Beesha Mareexaan ee degta Jubbaland ay dhibaatooyin badan ka tabanayaan maamulka Axmed Madoobe islamarkaana ay doonayaan in uu isbadal ka dhaco hogaanka maamulkaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo Ugaaskiisa ayaa kawada hadlay dhibaatooyinka Ciidamada Kenya ay ka geysanayaan gobalka Gedo islamarkaana lagu dhibaateynayo dadka uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Ugaaskiisa u sheegay in uu sameeyay dedaalo badan oo arintaas wax looga qabanayo balse ay jirto caqabada ay ku suurta geli la’dahay xal u helidda arintaasi isagoo ka dalbaday in ay dulqaataan oo laga war sugo Dowladda Soomaaliya.

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, waxaa ninka ugu sareeya saxiixiyaasha Jubbaland waxaana aad looga xushmeeyaa guud ahaan Jubbaland. Hadii ugaaska ka soo horjeesto Axmed Madoobe, waxaa halis ku jira rabitaanka iyo damaca Axmed Maxamed Islaam ee hogaanka maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this