Che -Guevara

So it begins, Federal Govt issues statement on election process in Jubbaland

Recommended Posts

Haatu   
1 hour ago, gooni said:

Dhulka waa la wada leeyahay lama kala leh walaal

1988 dii, kismaayo yaa lahaa? Anigu shakhsiyan ma aqaan cid iska lahayd waxaan u aqaanay dhul soomaaliyeed

Reer waamo, reer mudug, reer gabiley, dhul makala laha somali waa somaali.

Xaq ma'ahan inaad kenya iyo Ethiopia ka ogalaato inaad noqoto darajada labaad walaalahaana isugu sheegto darajada koowaad iyo inaad dhulka kala leedihtiin.

Axmed madoobe hadii mar kale la doorto wuxaa sii cakirmaya arimaha jubaland iyo dawladda dhexe.

Waxaa la doonayaa muwaadin dhago fudud oo shaqada si daacada ugasoo baxa haduu doono wiilkuu dhalay ha noqdo.

Walaal, dhulka waa la wada leeyahay, waana la kala leeyahay. Shakhsiga meel kasto in uu aado, ku noolaado, shakhsiyanna sheegto xor buu u leeyahay.Wixii oo ay saas tahayna, dhulka waa la kala leeyahay oo beel walba dhul ay ku tilmaaman tahay bay leedahay. Waa haddii xaqiiqada taagan aan la iska indhatiraynin. 

Kismaayo, iyo magaalooyinka kale waa magaalooyin soomaaliyeed, laakiin dhulka ay ku fadhiyaan qabaa'illo ayaa ab ka ab lahaa. Laakiin in qabiil loo nisbeeyo ma fiicna. Kaba soo qaad magaaladii yathrib ama madiinatu rasuul oo beelaha Aws iyo Khasraj ku tilmaannayd ka hor cahdigii rasuulka salalaahu calayhi wa sallam. Ama gobolkii Najd oo uu degaan ahaan lahaa Banuu Tamiim ayagana loo nisbayn jiray sida ku cad axaadiis farabadan.

Marka haddaan maanta dhaha Gobolka Gedo waxaa degaa Beesha Farmaajo oo iyagaa degaan ahaan leh, been ma sheegin, ninna ma durin, balse xaqiiqada taagan uun baan ka hadlay.

F.G.: Kismaayo tan iyo waagii la xoreeyay waxaa isla degnaa beelihii xulufada ahaa, haba loo kala badnaadee. Wixii ka dambaysayna waxay ahayd magaalo loo soo hirto oo beelal badan ay wada degnaayeen oo weligeed cosmopolitan bay ahayd. Laakiinse tuulooyinka kale ee Waamo way ka duwanaayeen, oo haddana hal beel ama laba uun baa tuulo walba degganayd.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   

Haatu, waxba haku dhex wareerin Waamo iyo qabiiladeeda. Hadii qabiil laga hadlayo Kismayo waxaa. xaq u leh Baajjuni inta kale kooyo bay kutimid. Magaalada Kismayu waan ku koray lakin kuma dhalan. Hadii lilaah loohadlyo reerka Ahmed Madoobe iyo Reerka Gedo dadka uguyar bay ahaayeen. Baadiyaha udhoow niman giirgiir la dhaho oo kabacdi Hblock iyo Dblock kala sheegtay baa ubadnaa. OGsku dhinac Xuduuda ayey ubadnaayeen. Marka meeshaan in lakala sheegto maba ahan. Taariikhda Jubba waa documented soo akhriya Somali oo qabiila kala duwan ah baa Oromo iyo Boni ka kacsaday. Hadana waa in la wada dagaa.

Share this post

Link to post
Share on other sites
10 hours ago, Apophis said:

Ahmed is coming back, worry about farmaajo.

You don’t seem a confident baboon. Are you sure Axmad is coming back? 😁

Share this post

Link to post
Share on other sites
13 hours ago, Apophis said:

And just to clarify to the hungry hyenas circling the hold, this is an election between Sheikh Ahmed and his brothers.

Whoever wins will be one of us. I don’t know what you people are expecting.

The president of Jubbaland will always come from beesha.

Oh so now it’s about his “brothers” eh? 😂

I can foresee Axmad Madoobe’s farewell speech include: “With friends like Caanoboore Apophis, who needs enemies.” Lol

Share this post

Link to post
Share on other sites
Haatu   
12 hours ago, Samafal said:

Haatu, waxba haku dhex wareerin Waamo iyo qabiiladeeda. Hadii qabiil laga hadlayo Kismayo waxaa. xaq u leh Baajjuni inta kale kooyo bay kutimid. Magaalada Kismayu waan ku koray lakin kuma dhalan. Hadii lilaah loohadlyo reerka Ahmed Madoobe iyo Reerka Gedo dadka uguyar bay ahaayeen. Baadiyaha udhoow niman giirgiir la dhaho oo kabacdi Hblock iyo Dblock kala sheegtay baa ubadnaa. OGsku dhinac Xuduuda ayey ubadnaayeen. Marka meeshaan in lakala sheegto maba ahan. Taariikhda Jubba waa documented soo akhriya Somali oo qabiila kala duwan ah baa Oromo iyo Boni ka kacsaday. Hadana waa in la wada dagaa.

War niyow doodda intay kaa martay. Meelna kuma dhihin beel fulaan baa magaalada Kismaayo ugu badan. Waxaan uun sheegay in qabaa'illada Waamo la garanaayo, meelaha ay degaanna la garanaayo. Waxa la isku haasto waxaa waaye niman wadanka 90meeyadii soo galay oo dad kale dhulkoodii rabaan. Waana ogahay in nimankii Reer Bariga ahaa ay Kismaayo ku badnaayeen, meesha qolooyinka Axmed Madoobe iyo Farmaajana ay baadiyaha u badnaayeen. Taasna waxaa ugu wacnayd markii wadanka lala wareegay, Wardeyda intay ka tagtay oo idil waa la kala qaybsaday, dhul, xoola, iyo addoomaba. Nimankii Reer Bariga ahaa magaalada Kismaayo ayay iska degeen, meesha kuwii kale ay baadiyaha Waamo kala qaybsadeen. Kismaayo iyo Waamana waxaa leh beelihii xulufada ahaa ee Wardeyda ka kiciyay. Nin kaloo maanta sheegan karo ma jiro.

But I digress. I don't know why some people ay u xajiimoobaan markay Reer Waamo xaqooda sheegtaan.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   
55 minutes ago, Haatu said:

sxb isdaji cid wax kugu haysata ma leh. Tankale, ma ogtahay oromadi qaarkood inay ku hareen oo heshiis lagalen Somalidii ee markii dambe gaaladee ay dhaheen wax oroma ah kuma harin Jubba Valley "they were completely assimilated". Dadkaas oromada aha inay wali joogan wali qarkoodna Warday sheegto qaarna qabiil kale kudarsamen so ma ogid, qaar gooni utaganyihiin? Marka meeshu waa qabiilo badan lee ku iri. Tankale qabiilo geel lay ah oo kayimid dhinaca Baladwayn oo dagalada ku jirin baa dagan iyagu xataa xaq bay uleeyihiin inay sheegtaan.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Haatu   
1 hour ago, Samafal said:

Niyow ninna ma xanaaqsana. Taariikhda dhulkayga uun baan ku barayaayee si deggan cashirka u dhuux. Nimankii Wardeyda ahaa waa la addoonsaday oo beelihii xulufada ahaa baa kala qaybsaday oo Wardey Soomaali baa loo bixiyay. Af Soomaali ayaa la baray, magacyo Soomaaliyeedna waa la siiyay. Addoon walboo wardey Soomaali ahna wuxuu sheegan jiray qabiilka ninka lahaa.

Hase yeeshee waxaa dhacday in addoomo badan ay falaagoobeen, qaarne ay dileen nimankii lahaa. Markay in mudda ah socotay, beelihii xulufada ahaa way shireen, Afmadow in lagu shiray ayaan jeclahay, sifa looga arrinsado dhibka soo kordhay. Waxaa la isku raacay in addoomaha la wanaajiyo, gabdhaha wardeyda ahna uusan nin Soomali ah guursan iyo arrimo kale oo la doonayay in lagu sasabo.

Waxaa go'aankaas diiddey duqeyda Reer Gedo oo ku adkaystay in saan uusan xaalka ku socon karin. Waxay yiraahdeen intey Wardeyda addooma yihiin aan nabad la heli doonin. Waxay soo jeediyeen in Wardeyda la xoreeyo, markaasna ay sheegtaan qabiilka xoreeyay. Laakiinse beelaha kale way diideen oo addoonsiga ayay ku adkaysteen. Taas waxay sababtay in Wardeyda Reer Gedo la degganaa ay MX wada noqotay (aqoonyahannada qaarkood waxay qabaan in 70% reer Gedo ay Wardey yihiin dhalasha ahaan, Allahu aclam). Kuwii kalana ama way baxsadeen, ama waxaa la xoreeyay 60kii markay Kenya xornimo heshay (kuwii dhanka Talyaaniga ma ogi markii la xoreeyay). Waxaa xusid mudan in Wardeydii Gedo degganayd uusan hal nin ah ka imaanin oo by that time ay Soomaalida ku wada milmeen, meesha beelihii kale dad badan ay ka soo baxeen. Kuwa badan markii la xoreeyay webiga Ganaane ayay ka tillaabeen oo maanta walaalahood Ormada ayay la degan yihiin aagga Bangal oo Gaarisa u dhow (waad u tegi kartaa oo wareysan kartaa haddaad beentay moodeyso). Marka nimankaas mar horaa dhulka laga qaadayee, maanta taaka ma sheegan karaan.

Kuwa kale ee wadanka 90meeyadii daaqa ku yimid waa walaalaheen, xuquuqna way leeyihiin, laakiin ma aha in ay dhulka oo dhan sheegtaan, maantana ajnabi Kenya ka imid igu tilmaamaan. Taas waaye midda aan diiddanahay ee ma ila fahantay? 

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   
6 minutes ago, Haatu said:

Kkkkk Bal inoo sheeg tixraaca sheekadaada (reference). In sheekadaada wax ka khaldanyihiin waxaad ku garanaysaa maanta qabiil Warday ladhaho baa wali dagan Jubada hose iyo Dhexe. Marka inaadan warkaagu sheeko xariir iska yahay taas baa cadayn u ah.

Tankale, qabiilka aad leedahay 90kii buu yimid waa qoloma? Reer Gedo?

Share this post

Link to post
Share on other sites
Haatu   
55 minutes ago, Samafal said:

Kkkkk Bal inoo sheeg tixraaca sheekadaada (reference). In sheekadaada wax ka khaldanyihiin waxaad ku garanaysaa maanta qabiil Warday ladhaho baa wali dagan Jubada hose iyo Dhexe. Marka inaadan warkaagu sheeko xariir iska yahay taas baa cadayn u ah.

Tankale, qabiilka aad leedahay 90kii buu yimid waa qoloma? Reer Gedo?

Waxaaga waa un muran indhala'. Soo maan ku dhihin Wardeydii Talyaaniga ku hoos noola ma ogi goor la xoreeyay? Marka haddaad leedahay weli Jubbooyinka niman Wardey la dhahaa ku nool, dee waa uun kuwii la xoreeyay goor ay ahaydba. As for tixraaca sheekada, dad taariikhdooda haaya baanu nahay oo odayaasha gobolka ayaa weyddiin kartaa. Haddaadan taas ku kalsoonayna, buuggan akhri 'Herder Warfare in East Africa: A Social and Spatial History, by Gufu Oba'. Taariikhda waa la wada haayaa, ninna been kama sheegi karo.

Reer Gedo beelihii xulufada ahaa ee dhulka xoreeyay ayay ka tirsan yihiin. Dadkaan u jeedo way isgaranaayiin, haddaad adiga garanayninna, xogogaal maba tihid ee hawlahan faraha kala bax.

Ilaahow nimaan wax ogayn ha na cadaabin. Dad wada Samafal oo kale ah oo taariikhda Waamo aan xaraf ka garanaynin baa raba in ay maanta faalloodaan. Weger.

Share this post

Link to post
Share on other sites

At this point,  you are chasing each other's tails. We can all agree the lower Somalia is vey diverse. Only political inclusivity will work there whether one lives in the city or the countryside.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   

Haatu, adiga waamada aad kasheekaynaysid ma NFD baa? Talyaanigu Jubaland oo dhan buu kala wareegay ingiriska, marka hadii aadan waxba ka aqoon dhulka Talyaniga dee wax lagaala hadla majirto. Hadaad NFD ka hadlaysid iyo meesha cidiinu ubadantahay ma aqaan lakin Jubaland cid walba waa joogta kibir iyo anaa ubadan waxba masoo kordhinayso. Somaliduna waligayd reer guraa bay ahayd dhulka kala qaada, meel cusub u hayaama. Qolaa soo hayaantay maanta ama shalay waxba ma tarayso. Tanake waxan ku waydiyay yaa waaye qoladan dhiga kugu kicisay o 90ki yimi? kkk 

Anyway intaa hankala garto. Thank for the book, I will search for it.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Marka ugu horaysa kismayo sida lagu yaqaanay waxaa degi jiray dad ganacsi geeyay oo ka kooban somaali oo dhan, dad xeeb ku nool ah oo risiqooda badda ka doonta iyo dad xoolahooda ulasoo roob raaca.

Taa macnaheedu waligiis wuxuu ahaa gobol barwaaqo ah.

Magaalooyinka qadiimka ah sida kismayo berbara, marka, luuq muqdisho, muslin iyo gaalaba waa lagu wada noolaa.

Arinta labaad axmed madoobe waa nin xumaan iyo samaan labadaba leh

Samaanta anigu aan ku tix geliyo aragtidayda waxaa ka mida meelishiyadiisa wuxuu u sameeyay kala dambayn aysan qabiiladu isku dhicin dhexdooda gudaha kismaayo, waana arrin aad u muhiim ah.

Xumaantiisa waxaa ka mida jubbaland wuxuu ka dhigay magaalada kismaayo kalgeed oo uu kula fadhi diriro dawladda dhexe.

Waxaan qabaa inuu la tartami karo cid kasta haduu miisaanka madixiisa iyo lugihiisa isku dheeli tiro.

Tan magaalooyinka iyo qabiilada

Magaalo hal qabiil dego magaalo ma'ahan.

Tusaale hargaysa waa magaalo aad u wayn runtii waxay u kala degaan xaafad xaafad.beealaysan.

Ninka qurbaha ka yimaado oo doonaya inuu guri dhisto toos wuxuu u aadaa meesha beeshiisu degto xataa haday buurta naso hablood soo xirto.

Muqdisho ninbaa wuxuu ii sheegay inuu gurigiisii gaday oo uu isla muqdisho guri kale gatay, markii aan waydiiyay sababta uu gurigaa qaaliga u xaraashay wuxuu ii sheegay in beel dhib badan looga caray xaafadaasoo dhan.

Meel walba dhulkii soomaaliya ayadoo la wada degan yahay yaa hadana la kala deggan yahay ama lakala jufaysan yahay tuulo laga bilaabo ilaa magaalo wayn.

Hadii aad ka hesho magaalo loo wada dhan yahay dhulka soomaalidu degto sidii aan beri ahaan jirnay, ka iibso guri, waa hadii aad hesho waa fursad dahabi ah

Inta aad ka cararayso qabiil aad is leedahay waa kaa fog yahay ogow jufadaadaa sii kala jufaysan.

Share this post

Link to post
Share on other sites

This thread has turned into the usual Somali nonsense of who came where and when; which, I believe, in the great scheme of things, is all irrelevant.

Ultimately, Jubaland like the rest of Somalia, belongs to Somalis, and no matter how much one tries to claim sole ownership of the place over it vis-à-vis other Somalis, the fact will remain that NO single clan, family or individual will ever dominate Jubaland and for that matter the rest of Somalia.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.