Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaacisay in musaafurisey nin diinta kiristaanka faafin jiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa maanta markii u horeysay shaacisay inay deeganadeeda ka musaafurisey Nin haystay dhalashada dalka Mareykanka oo in muddo ah magaalada Berbera ku faafinayey diinta Kiristaanka.

Isku duwaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee gobolka Saaxil oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in Ninkaasi faafinayey diinta Kiristaanka uu magaalada Berbera ku soo galay qaab Ganacsi ahaana.

Isku-duwe Maxamed Axmed Xuseen ayaa waxa kale oo uu sheegay in Ninkaasi u dhashay dalka Mareykanka, lagana musaafuriyey magaalada kadib markii ay ogaaden in uu faafinayey diinta Kiristaanka, oo uu qeybinayey buuga Baybalka, wuxuuna yiri

“Waxa jirta hadda muddo laga joogo labo bilood nin dhalashadiisu tahay Mareykan oo muddo sanad ah joogey wadanka, Ninkaasi run ahaantii markii ugu horeysay wuxuu ku soo galay sifo Ganacsi, muu aheyn suxufi, sifo sharciyana wuu ku soo galay, Ninkaasi waxa dabo-gal aad u balaadhan ku sameeyay Maamulka gobolka Saaxil”.

“Ninkaasi waxa uu faafinayey diinta Kiristanka oo Baybalkii oo Af-Somali lagu turjumay xagiisa dambena waxa ku yaala kitaabka quduuska, Ninkaasi markaan in badan daba-gal ku sameynay waxanu ogaaney in howshaa uu wado”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Wasaaradiisi siisay ruqsada ganacsiga ayaa warbixinta siiyen maamulka gobolku, markay cadaateyna in ninkaasi howshu wadaa ayna aheyn qorshihii wadanka u yimid, dib baa looga saaray wadanka waana la tarxiilay”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this