Sign in to follow this  
Deeq A.

Xammaasadda Ka Dhex Aloosan, Muraad Iyo Ciddin, Maaha Mid Hadda Bilaabmatay. W/Q: Maxamed jokar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SL-TBurco) Cabdishakuur maxamuud Xasan (Ciddin) maayirka hadda ka arimiya magaalada berbera waa nin reer burco ah waa dhalinyaradii kusoo barbaaray xaafada Qasabka ee magalada Burco,
Halka Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), maayirka Burco uu isna kusoo barbaaray xaafada Kenya-da ee magaalada Burco,
Marka loo eego labada xaafadood waa laba xaafadood oo aad iskugu dhaw, iskana jaara xaafadaha kale ee magaaalada burco laakiin waxa ka dhaxayn jiray xammaasad gooniya, xafiiltan dhalinyara-nimo waxaaanay isku ahaayeen (Derby)
Marka laga yimaado xaafadaha ay jaarka ku ahaayeen burco, waa laba nin oo isku adeer ah, maayir muraad iyo cabdishakuur ciddin aabihii ayaa ilma abti ruma ah sidaana waalid ugu toosan maayir cabdishakuur,

Maayir Ciddin Iyo Maayir Muraad, haku kala waynaadaan da,da laakiin isjiidad koodu maaha mid hadda bilaabmay,
In kabadan shan jeer ayey warbaahinta sitoosa iska weerareen lakiin waxa kabadan inta ay sida tooska ah isku weerareen,
Khilaaf kooda hadda waxa dibadda usoo saaray waa nidaamka midaynta cashuuraha Gobolada Somaliland oo uu sii dejiyey Allaah haw naxariistee Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Maxamed xaaji Ibraahim (Cigaal) taaso dhigaysa in xoolaha sayladda burco sitoosa loogu cashuuro Ber-bera,

Maayir muraad isagoo arintaasi ka biyo diidsan ayuu marar badan hortagay Baarlamanka Somaliland waxaanu ka codsaday in wax laga bedelo “nidaamka midaynta cashuuraha” waxaana ka dhego daygay xildhibaanadii uu ugudbiyey cabshada iyo xukuumadii dalka ka talinaysay ee Axmed Siilaanyo,

Intii ay jirtay xukuumada madaxwayne Muuse Biixi ayuu hadana hortagay golaha baarlamanka,Maayir Muraad iyo xildhibaano katirsan Golihiisa Degaanka Burco, waxaanay usheegeen Gudoomiyaha golaha baarlamanka Somaliland Baashe maxamed faarax, in uu hoos u eego wax ka badalna lagu sameeyo “nidaamka midaynta cashuuraha” 
Taas badelkeeda Maayir Ciddin, wuxuu marar badan sheegay in uu saxyahay “nidaamka midaynta cashuurahu” Berberina aanay qaadin cashuur aan teeda ahayn, 
Laakiin majirto colaad kale oo udhaxaysa Maayir Muraad Ciddin, 
Labada Nin Ee Reer Burco ee kala hogaamiya Burco iyo Ber-bera, iskuma hayaan colaad kale laakiin waxay isku afgaran la,yihiin “nidaamka midaynta cashuuraha” oo uu gobolkasta wixiisa umadax banaanaado,

Xukuumada ayaa looga baahan yahay in dejiyo xaalada udhaxaysa Ciddin iyo Muraad, kulanna si wada jira ahna lala qaato, lagana arinsado arinta Cashuuraha kaliya ayey ubaahan tahay,

Ciddin waa Muraad, Muraadna Waa Ciddin

W/Q Maxamed Jokar

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this