Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo Somaliland ku qasbay in warqad kasoo qaadato dowlada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa shuruud hor dhigtay maamulka Somalialnd, taas oo la xiriirta Xoolaha Soomaaliya ee sanadkan loo dhoofinayo dalka Sucuudiga.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Somaliland u dirtay warqad ay ku sheegeyso in warqadda caafimaadka xoolaha Soomaaliya ee xajka sanadkan ay bixineyso dowladda federaalka ah, halkii ay ka bixin jirtay Somaliland.

Wasiirka xannaannada xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland ayaa sheegay in aysan aqbaleyn go’aanka dowladda Sacuudiga ka soo baxay.

Xoolaha Soomaaliya ayaa inta badan laga dhoofiyaa dekadda magaalada Berbera ee ay maamusho Somaliland, waxaana ay bixin jirtay warqadda caafimaadka xoolaha.

Sanadkasta ayaa xoolo malaayiin ah oo kala ah ari, lo’ iyo geel loo dhoofiyaa Sacuudiga,w axaana dowladda Sacuudiga ay hadda go’aansatay in xoolahaas ay kala xiriirto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Lama oga go’aankan Sacuudiga sida uu u saameyn doono xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga ee inta badan loo adeegsado udxiyada xajka kaddib.

Somaliland ayaa hadda wajahaysa laba darran mid dooro oo ah, inay hoos tagto Somaliland iyo inay wayso malaayiin dollar oo kasoo gali jiray dhoofka xoolaha.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargaysa
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this