Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaalkii Ka Dambeeyay Af-gambigii Fashilmay Ee Ka Dhacay Dalka Itoobiya Oo La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in ciidammada ammaanka dalka Itoobiya ay toogasho ku dileen Ninkii ka dambeeyay isku daygii afgambi fashilmay ee ka dhacay Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

dkjfkderee.jpg

Ninkaas oo lagu magacaabo Jenaraal Asaminew Tsige ayaa waxaa raadinayay Ciidamada Itoobiya tan iyo maalintii sabtida aheyd ee uu dhacay afgambigii fashilmay.

Isku daygii afgambigii fashilmay ee ka dhacay Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu dilay Taliyihii Guud ee Milliteriga dalkaasi, Jeneral Seare Mekonnen iyo Madaxweynihii Maamul-gobaleedka Amxaaradda, Ambajew Mekonnen iyo La-taliyihiisii oo la odhan jirey Ezez Wasiye.

Tan iyo markii uu Raysal-wasaare Abiy Ahmed tallada la wareegay sannadkii hore waxa uu isku hawlay sidii uu Isbedel Siyaasadeed ugu samayn lahaa dalkaasi oo ay ku nool yihiin 100 million oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this