Sign in to follow this  
Ariadne

Can you help me

Recommended Posts

Ariadne   

I am currently doing this project with a collective of students.

We are all doing site specific performances or installations.

I am doing a performance around folklore and teaching people about culture through folklore.

So here is my dilenma

I cannot for the life of me remember the dhegdheer stories.

I know the guideline is she kidnaps someone. She plans on eating them they escape and repeat.

 

So here is where you come in. I need dheegdheer stories (specific stories)

help!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Can you read Somali?

If so this is how the story went..

 

Dhegdheer..

 

Waxa la yidhi nin baa naag aad u qurux badan qabay, naagtu

ninka wiil bay u lahayd. Reerkuna reer iska ladan oo xoolo

leh bay ahaayeen. Ninkii baa siduu isaga joogay naag kale guursaday.

Markaasuu xoolihii minweyntu haysatay ayuu minyardii yabadh

uga soocay ( xoolihii reerkuu u kala badhay ) aqal cusubna

minweyntii baa looga ag dhisay.

 

Minweyntii baa markay aqalkii cusbaa iyo gabadha yar quruxdeedii

aragtay masayrtay oo maryihii tuuri gaadhay. Ileen waa naag

hinaastaye, habeenkii dambe ayey intay yarkeedii xambaaratay reerkii

ka guuraysay. Ninkeediina naagtii kaluu la jiifaa oo waxba ma oga.

Subaxdii markii la ogaaday baa la baadi doonay oo waa laga quustay.

 

Naagtii duddayna way ambatoo reerohooda meeshii ugu dambaysay

bay ka ambatay. Waxay maalmo iyo habeeno badan sii socotaba

dooxadii nogaal bay gaadhay. Halkaasoo ahayd meel aad u cabsi

badan oo laguna yiqiin dadqalatadii dhegdheer ee dadkaba madhisay.

 

Iyadoo iska socota ayay aragtay qof ka soo daba ordaya. Hadaba

orodku kay arki jirtay muu ahayne wuxuu ahaa mid boodhka,

habaaska iyo siigada ka kacaysa aad yaabayso. Markaasay

garatay qofka sidaa u soo gurdamaya ee waxaas oo habaas ah

kicinayaa inay dhegdheer oo cunno doon ah tahay. Markaasay

cagaha wax ka dayday Dhegdheerna way is daba dhigtay

 

Hooyada iyo wiilkeeduba aad bay u buurraayeen. Dhegdheer

waxii oo baruur ah markay aragtay bay gaajadii ku sii kacday.

Dhagdheer aad bay u dheerayn jirtay walligeedna qof ay eryatay

kama baxsan. Nagtii iyo wiilkeediina intaa way ku soo

dhowaanaysay laakiin hooyada qudheedu naflacaari bay ahaydoo

dab yar may shidayn. Sidii laysu eryanayay baa waxa lugu soo

baxay Boholaha Xargaga. Hooyadii markii ay aragtay in aanay

bohosha docna uga baydhi karin bay Bisinka qabsatay oo wiilkeedii

kala dul booday. Dhegdheeroo aad u buuraydna way ha’katay.

Markay ka dul boodi kari wayday bay tidhi;

 

Bal naagtaa badhida daya

bal bowdyo cadaanta daya

bal buluq-buluqdeeda daya

bal bacoolkay sidato daya

hoh iyo Boholaha Xargaga

qof xiimayay xidhaan

qof duulayay dabraan

Share this post


Link to post
Share on other sites

this is another one..

 

Bari waxa Jiray reer reermiyi ah oo lahaa afar caruur ah oo walaalo ah oo kala bah ah. Labana fariido ayey ahaayeen, labana nacasyo. Maalin maalmaa ka mid ah ayaa hooyadii labada fariidada ah dhashay waxay u dhigtay ninkeedii oo safar ku maqnaa caano ay ka listay naaskeeda iyo kuwo riyaad oo ay iskudartay ayadoo xiligunna yahay Jiilaal. Markii uu yimid ayuu yidhi,

" Caanahan xagaad ka keentay illayn waa Jiilaalle?"

Hadaad caruurta habaabisid, markasta caano ayaad heli", gabadhi tidhi.

 

Subaxiidanbe ayuu caruurtii iyo awrkii kaxeeyay oo ku yidhi, "Midhaynu soo guranaynaaye inna keena".

Way foggaadeen oo wuxu geeyey meeshii midhaha laga soo gurayey. Wuxu yidhi "Inoo gura midhaha waan seexanayaaye. "Geed hoostiis ayuu ku goglay go`iisii cadaa, koortii awrkana wuxu sudhay geed si dabayshu u ruxdo oo caruurtu istidhaahdo aabihhiin iyo awrkiiba way joogaan. Mar casarkii ahayd ayey isyidhaahdeen aabihiin soo toosiya, dabadeed way ka waayeen oo go' qudha ayey ku arkeen meeshii iyo koortii geedka sudhnayd. Way iska socdeen, waxaanay la kulmen guri Jees ah. Dabadeed way gallen, Waxay uugu tageen gabadh ku tidhi waxan ahay inna "Dhagdheer", gurigana hooyaday ayaa leh.

"BIyo nasii", ayay caruurtii tidhi.

"Haantaa waxa la yidhaahdaa-Bowdheer-, markaa hooyaday ayaa maqlaysee hadaad kor ka furtaan waayo sanqadh dheer ayay bixisaa. Markaa mudac ku muda, dabadeed halkaa ka cabba. Markay cabbeen waxay yidhaahdeen "meel naseexi".

"Hooyaday waa dad qalato markaa harrar ayaan idinku duubayaa oo aqalka dabadiisa ayaan idinku qarinayaa". ayay gabadhi uugu Jawaabtay.

"Dhagdheer kolkay timid way urisay caruurtii.

Naas gabdheed ayaa uraya". ayay tidhi dhagdheer.

"Hooyo waa naaskayga ", ayay tidhi inantii.

Markii ay dhagdheer erayadii ku celcelisay ayey cabsootay gabadhi:"Hooyo caruurta waan soo saarayaaye ha cunin".

Caruurtii ayey soo saartay, habeenkiina dadqalatadii way barisay. Subaxnimadii markay ahayd ayey tidhi dhagdheer, "Yaan u xiiraa inankooda?"

Nacastiiba tidhi "Inankayaga u xiir".

"Hablaha! midayna xaabo doon, midayna biyo doon",

ayey ku amartay dadqalatadii.

 

"Inankayagu biyaha ayuu ila doonayaa, fariidii ayaa tidhi. Waanu raacay. Nacastiina kaligeed ayey xaabadii doontay oo inankoodii way qalatay. Iyana markay timid ayey cuntay.

Labadii biyaha doonay way baxsadeen, dabadeed habartii ayaa eryatay. Ayagoo ordaya ayey arkeen Mas Weyn oo dabadiisa iyo madaxiisu isu kala Jiro meesha cirka iyo dhulku iskahaystaan.

"Masow meel no bannee cadow ayaa na eryanayee". ayey caruurtii waydiisteen.

"Hadaydaan ciid iyo saxarnna igu duulinayn iga talaabsada". ayuu maskii ku celiyey.

Dabadeed waxba kumay tuurin ee way ka gudbeen. Dhagdheer oo ordaysa ayaa iyana maskii soo gaadhay, intii inleeg ayey isyidhaahdeen, laakiin dadqalatadii ciid iyo saxarba way ku daadisay maskii, dabadeed wuu cunay.

Markaa Caruurtii waxay ku heeseen:

 

"Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadee"

"dadoo ma isu soo dhawaanaa?"

 

 

Hope this helped..

BTW i like ur new name ..kreepy kid..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this